Waraaq furan oo ku socota
madaxwaynaha JSL
Hadii aan sal saluugu ama aan
sixi waayo saamiciinta I maqlaysaay I su’aala hadhawto.
27-07-2010 waxa ay ahayd
maalintii aad madaxwayne xilka sida tooska ugala wareegtay madaxwaynihii xilka
kaaga horeeyey ee daahir rayaale kaahin , adiga oo bilaabay dardartii
madaxwaynenimo qalikana u qaatay sidii aad dhidibada ugu taagi lahayd,u bilaabi
lahayd amaba aad kow ka odhan lahayd balanqaadyadii aad sideeda sano soo
balanqaadayseen ka xisbi ahaan iyo ka madaxwayne ahaan ee ka midka ahaayeen
1.
Soo dhisida dawlada tiro yar oo tayo badan
2.
Kor uqaadida dhaqaalaha dalka
3.
Ka midho dhalinta hamigii 20 sano shacabwaynaha
soomaaliland ku hamiyiyeen ee ah inay mar uun beesha caalamka ka mid noqdaan
Iyo qaar kaloo badan oo ku xusan
buugii uu xisbiga kulmiye olalaha doorashada ku galay ee aad ku qorteen
waxqabadka dawlada haatan ee aad adigu madaxwaynaha ka tahay
Hadaba waxa aan wax la iloobi
karo ahayn tahayna in mudnaantiisa lasiiyo hal shay oo bulshada s\land ku
dhaqan tabayaan oo ah xil aad ka dhawaajisay aadna ugu wada riyaaqeen caalim
iyo caamaba oo ah inaad magacawday masuul kuu qaabilsan sakada iyo soo
ururinteeda oo ka mid ahaa raxanihii wasiirada,agaasimeyaasha ,gudoomiyeyaasha
iyo xoghayeyaasha isugu jiray ee aad magacawday tan iyo intii aad xilka aad
haysay oo haatan laga joogo 2sano,Balse haatan aan ka dhex muuqan masuuliyiinta
dawlada ee haatan shaqeeya
Hadaba waxa ay bulshada
soomaaliland ku dhaqan gudo iyo dibadba,caama iyo caalimba is waydiianayaan
waxa ku dhacay xilkaas oo ahaa ka guud ahaan iyo gaar haan ina anfici lahaa if
iyo aakhiroba hadii sidiisa loo fuliyo .
Intaa ka dib mudane mdaxwayne
horta waxaad tahay masuulkii ugu horeeyay ee xilkan oo kale magacaaba amaba
bilaaba shaqadan amaba xilkan oo ah tiir ka mid ah tiirarka ugu waa wayn
dawladaha islaamka ah aniga ogaalkay laakiin
bilaabitaankaagu mawaxa uu ku eekaa oo kaliyaata
1. Inaad
ka dhabayso maahmaahdii soomaalida ee ahayd waxba haw qaban ee qawda maqashii
inleen waa tii tu kale ahayd soomalidu been waysheegtaa laakiin been ma
maahmaahdo
2. Inaad
iska jeediso indha shacabkii ku doortay aa aad kuugu fiirsanaya kaana sugaya waxa aad ugu abaal gudayso
Mise mudane
ujeedad kaalinta muhiinka looga dhexwaayey masuuliyiinta haatana kula shaqeeyaa
waa
1.
Waxa aad shacabwaynaha JSL ka dhex wayda qof u
qalma kaalintaa marka laga reebo sheekhii hore ee ka cudur daartay
2.
Mise dadkaa hore u agaran waayey oo waad
lanoqotay inlaan waa xil hore oo aan jirine
3.
Mise waad soowadaa oo waanu kaa dagdagnay
inkastoo waxla raajiyaa rag ku samayn
Gebagabo
Mudane madaxwayne horta xilkaa
aad qaaday ilaahay haguu fudaydiyo nin xil qaaday eed qaadaye.
Mudane madaxwayne aniga oo ku
hadlayo magaca cidkastoo danta caamka ah jecel danaynaysan jiritaanka s\land
isku daya inay tilmaan saliim ku kor dhinayaan masuuliyiinta ay xilka ay u
dhiibtaan waxa aanu si sharaf, naxariis, ixtiraam iyo waliba qdirin ku jirto
kaaga codsanaynaa in aad marlabaad iyo sadaexaadba soo magacawdo kaalintaa
amaba jagadaa aad marka hore magacawday ee uu ka cudurdaartay sheekhii ama
masuulkii aad jagadaa u dooratay
Wabilaahi tawfiiq
Waa qalinkii Mohamed Hassan mouse senior students
at university of hargeisa
Tell: 4228940 E-mail:
Mohamed.hass01@hotmail.com
No comments:
Post a Comment