Monday, October 1, 2018


 Nolosha waa biyo
Alle swt Dhulka uu abuuray waxa uu Biyo ka dhigay in lagu qiyaasay 75%  taa macnaheedu waa in nolosha khalqi ku dhex abuurayna badideedu tahay Biyo iyada oo aa taasi jirto ayaa hadana waxa dhagaheena wax caadiya la noqdoy umad ka cabanaysa Biyo yaraan ama la’aanba.
 Silic saxariirkasta halagu helee hadana waa la cabi jiray balse manta waxaa soo soka maray wax waxiiba horaba kaga dhigay ka dar oo Dibi dhal waa korodhka Lacageed ee Biyaha ku kordhay. hadaba in Dadka dhaqaale xumida badani hayso hanaqoto shaqo la’aan baahsan ,sixir bararo ,adeeg caafimaad la’aan, Biyo yaraaan iyo badi dhamaan adeegyadii Bulshadu xaqa ugu lahayd Dawlada ay meesha ka maqanyihiin ayaan waxa soo dhacay Warar umadan gubanaysa Dabka ku sii huriyey oo sheegaya in Biyihii yaraa ee awal suququlka lagu cabijirayna la sii qaaliyeeyey qiima aad ugu qaali ah cidii aan tahli karayn  iyadan oo aan loo danaynay Dadka tamarta daran ee Dalka ku nool.
 Bal aan ku eegno caqli foyow koradhka qiimaha biyaha 1m3  awal waxa uu ahaa 9500 SLSH halka maanta laga dhigay 1m3 15000 SLSH waa dareemi  kartaa korordha lacageed ee ku kordhay 1m3  waana qiime dhan 5500SLSH oo u dhiganta  36.67%  .hadaba su’aasha u baahan in la is waydiiyo ayaa ah ma yihiin Biyihu kuwii la kordhin lahaa ? mase la kordhin lahaa xadiga intaa la’eeg? Waa su aal da waynoo madaxa  daalinaysee dadwaynahaa la waydiin
Aan u imaado maxaa maanta sababay in la kordhiyo qiimaha Biyaha ,ma jiro ilaa hada war rasmiya oo sheegaya  sababaha loo kordhiyey oo ka soo baxay xafiiska Mareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargeisa . balse waxa marag madoona in sidii waayadii hore marka la kordhinayo lagu andacoon jiray in ay odhan doonaan halhayso wax wanaagsan sheegaya balse barkuma taala oo ay ka mid yihiin dayactirka Mashiinada ,Ceelasha ,Dhuumaha Biyha  iyo Gaadhiidka qaada shidaalka Kobcinta mushaharka iyo gunada shaqaalaha .
Si kasta oo ay ahaataba haatan dhacday hadii ay suurto gasho in la kordhiyo qiimaha aasaasiyaadka nolosha sida Biyha iyo Meceeshada  waxa ay horseedi kartaa cawaaqib xumo soo waajahda dalkan Soomaaliland Dadkiisa  dhaxalsiisana mushkilaad horleh oo sababa  macaluul, xasilooni daro , dhac iyo boob iyo waliba in ay abuurmaan dabaqado nololeed oo aad u kala fog .
Guntii iyo gabo gabadii qoraalka waxa aan ku soo afmeeraya in la eego nolosha dadka jilicsan , danyarta ah , shaqo la’aantu hadhaysay ee aan la eegin kaliya fooqyda iyo gaadiidka cad cad ee magaalada dhex gooshaya  
 (Al raaximuuna yarxamahumu Raxmaaanu ) kuwa naxariista ayuu alle swt koreeye u naxariistaa.

Qalinkii Mohamed Hassan Muse
063-4099221
calaydh1989@gmail.com

Sunday, September 30, 2018



                                                                                                                                                30/09/2018
Siilaanyo VS Biixi
Badhtamihii sanadii 2010kii waxa doorashadii Dalkan JSL ka dhacdayk ku guulaystay Madaxweynihii hore SL mudane Axmed  Maxamed Maxamuud (siilaanyo)  taas oo uu helay 51%  tirada dadkii codka dhiibtay halka labada xisbi ee UCID IYO UDUB ay heleen 49% tirada dadkii codka dhiibtay.

Madaxwayne Siilaanyo oo ahaa Siyaasi  in badan raajicinayey rajo badana ka qabay in uu mar uu gali doono Daarta Qasriga Madaxooyada ee looga arimiyo SL ayaa ka dhigay rajadii la dhawraa mar uun bay rumowdaa waxaanu la soo galay dar dar ,dhiiranaan iyo kolsooni badan.

Waxa uu bilaabay hirgalinta balanqaadyo boqolaal kor u dhaafay oo uu balan qaadayey xiligii uu ololoha doorashada ku jiray isaga oo ugu horeysiiyey soo dhisida Dawlad tiro yar oo tayo leh ,waxaanu ku guulaystay in uu keeno gole wasiiro oo ka kooban kuwii xukuumadahii ka horeeyey soo dhisi jireen ,

haba ka qaban lahaydee waxa uu dar dar galiyey golihiisii wasiirada waxa aanay u holodeen wax qabkii shacabka iyo hirgalintaa balanqaadyadii madaxwaynaha waayo waa garbihii ay ku duulaysay xukuumado. Aan kaw ka idhaahdo waxqabadka dhabta ah ee la taaban karo ee ay qabteen mudadii sanadka iyo badhka ahayd ee ugu horaysay waxaana ka mid ah.

1)      Nabad galyda wax ka qabashda shaqaaqooyin dhawr ah oo ka Dhacay meelo ka mid ah dalka  sida kalshaale,Ceelbardaale,Yagoori iyo Seemaal
2)      Dhismaha kuliyda tabarbarka ciidanka qaranka.
3)      Dhaqaalaha korodhka miisaaniyada qaranka ee lagu hawl galay badina suurto galisay arimahan ayaa ahayd mid la kordhiyey 70%  ,
4)      Bixinta mushahar Shaqaale oo afar bilood ah oo ay ka tagtay Xukuumadii hore  
5)      Daabacaada Noodhadh ka mid ah SH SL sida 5000 iyo 1000,
6)      Badalaada lacagtii Giinbaarta ahayd  ee Gobalka Togdheer
7)      Waxbarashada  Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dawlada oo lacag laan laga dhigay.
8)      Doorashaooyinka  ga aan ka gaadhidii furashada Ururada Siyaasada iyo abuuridii Gudida diwaan galinta, ansixinta Axsaabta.
9)      Waxa uu Daaha ka fayday Dabarkii Da’da la isku sharaxi karo kaas oo caqabad ku ahaa Dhalinyarada waxaanu suurto galyey in ay Dhalinyaradu 25 jir isku soo sharixi karaan.
10)  Warfaafinta  baahinta TVga Qaranka oo la gaadhsiiyey wadamada  Yurub iyo Maraykanaka .
11)   Hirgalinta  Idaacada Bariga iyo badhtamaha Afrika wada gaadha oo Dalka la keenay


Ogsoonow akhriste ma aha afka aan kugu la hadlayaa afkii xukuumada ee guul wadaynta waayo maanta ma joogto oo ma aha mid talinaysay oo aan wax kaga doonayo  kuna darso oo waxa aan ka tagay  in aan wax ka soo bandhigo dhinacyada Caafimaadka , Xoolaha ,Cadaalada ,Biyaha ,Beeraha iyo Wadooyinka  taas oo aanan u hayn cadaymo cad oo muuqda bulshaduna ila hubin balse xukuumadu baahisay kuna dartay wax qabadyadeeda mudaada aan soo sheegay.


Ma aha wax qabadkii xukuumada Siilaanyo  mudadii sideeda sano ahayd ee ay xilka haysay balse aan ku xasuusiyee waa sanad iyo badhkii u horeeyey ee xukunka hadaba lix sano iyo badh  danbe maxaa laga filan karaa in ay fuliyaan ? ma aha ujeedka aan u socdaa taasi ee waa inaan is barbar dhigno Xukuumada haatan talada haysa ee gadh wadeenka ka yahay Mudane  Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi .

Waxay ahayd 13/12/2018 markii xilka loo dhaariyey Madaxweynaha haatan Mudane Biixi, 
Mdaxwayne Muuse siilaanyo wax uu kal sinaa Halganka , Mucaaaradnimada, Kulmiyenimada, Rajada Madaxtinimda , Balanqaadyada,  Riyooyinka gaadhista Yoolka fog , waxa uu cod ka badan kii Siilaanyo ku Guulaystay uu ku hantiyey Doorashada Madaxtinimada Dalka isaga oo ku guulaystay 55%  tirada  codadka la dhiibtay  halka Axsaabta Mucaaradka ahina isku helaan  45% tirade codadka la dhiibtay  waloow ay jirto kala qaybsanaan Bulsho oo ka dhalatay Doorashadii.

Si kastaba ha ahaaatee xabaal iy ninkeed loo kala tag ,Muusana loo dhiib, qalinka qaaday bilow qaar ka mid balan qaad yadiisii  waxaaanu soo dhisay xukuumada ka balaadhan tii Siilaanyihii xukunka ugu horeysay  soo dhisay , waxa haatan la marayaa mudo sanad ku  dhawaada  aniga aradtidayda wax la taaban karo oo aan ku amaano Xukuumadan uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Biixi kaliya waxa ii muuqda dhaqdhaqaaqyada ay ka midka yihiin:-

1)       Soo celinta Hantida Dawlada ee Gacmaha kale sida aan Sharciga waafaqsanayn ugu jirtay  sida Haamaha Shidaalka Barbara ,Amaanka Madaarka,iyo Baarkinka Madaarka.
2)      Soo celinta laabka baadha shidaalka  ee magaalada Barbara.
3)      Hirgalinta Taarikada cusub ee Gaadiidka .
4)      Wax ka qabashadii dirirtii Ceel Afwayn
5)      Wax ka qabashada dhinaca Beeraha iyada oo hirgalisay qorsheyaal hor leh oo ku aadan dhinaca wax soo saarka iyo tabaca Beeraha.
Haye kale ma jirto waa Aniga ogaalkay intaasi .
Run ahaantii Xukuumda haatan joogtaa waa ay ka Dhaqaale iyo Awood badan tahay taa hore, wax tarkana mooyi Idinka ayaa aan idiin daayey kaliya waxa ay Iga tahay  isbarbardhidhig,  qiimaynta se Adaa leh waana go’aankaaga shaqsiga ah.








WA BILAAHI TAWFIIQ



WQ: MAXAMED XASAN MUUSE
Tell: 063 4099221


Sunday, May 13, 2018

Somaaliland

Somaaliland Ingiriistii hortii
Bulsho reer Somaliland waxa ahaayeen bulsho reer miyi, waxa m/weyne ka ahaa suldaanka, waxa wasiiro ka ahaa caaqilada, waxa ciidan ka ahaa dhalinyarada. Wax sharci u ahaa xeerar xeerarkaasi oo ku salaysnaan  jirey duruufaha la xidhiidha noloshooda iyo hadba wixii la soo gudboonaada. Waxay ahaayeen xoolo dhaqato iyo reer-guuraa kolba meel u hayaama, oo aan lahayn dhul u gaar ah, waxay degi  jireen meeshii lagu sheego baad iyo biyo.

Soo galitaankii Ingiriiska ee Dhulka Soomaaliland

Beelahii daganaa Dhulka Somaliland waxa caado u ahaan jirtay colaado dhexdooda yaallay, oo ku salaysnaa geela  la kala dhaco, biyo iyo daaq lagu dagaalamo. Aanooyin Qabiil. Kolba beeshii tiro badan ayaa geela ka dhici jiray kuwa kale. Arrintaasi waxay u sahashay ingiriisku inu soo kala dhexgalo beelaha geela kala dhacaya. Markii dambe ayuu daraasad ku sameeyay, ka dib wuxuu taageero hiil iyo hoo u fidiyey beelahii geela xooga lagaga dhacayey. Ka dib beelihii qaar ayaa nasteex mooday taageeradii. Waana halka uu ka yimid fikirka “ qaybi oo xukun”. Waana tii soomaaliddu ka maahmaahday ee tidhi” yey is cunaysaa waraabe iskama celiso”.

Sida caadada u ah gumaystayaasha, markay doonayaan inay meel qabsadaan waxay marka hore diri jireen sahamiye soo darsa oo warbixin buuxda ka keena goobta la doonayo in la qabsado.

Sanadkii 1823 ayuu ingiriisku soo diray nin sahamiye ah oo la odhan jiray W.F.OWEN si uu darso xeebaha Somaliland ee kala ah: saylac, bulaxaar, berbera, maydh, xiis iyo laas qoray. ninkii sahamiya ahaa ayaa isticmaalay  qaabuu iska dhigayo nin ganacsade ah , oo doonaya inuu alaab ka iibsado magaalooyinka ku teedsan badda cas. Ka dib marka uu noqday ayuu warbixin dheer ka siiyay ingiriskii noloshaada iyo waayaha yaalla.

Ingiriiskii oo ka shidaal qaadanaya warbixintii wuxuu ku sheegay xeebaha soomaliland yihiin qaar la tagi karo, dadka ku noolina ay yihiin dad furfuran oo ganacsi lala yeelan karo .

Sanadkii 1825 ayuu ingriiskii  soo diray markab la odhon jiray mary oo ay saaran yihiin koox dad ah, kuna soo xidhay magaalada berbera , kadib dadkii oo ka diidsan cadaankan iska soo galay dalka ayay dagaal ku qaadeen halkaa dagaal xun ayaa ka dhacay aakhirkiina markabkii iyo kooxdii la socotay waa la laalay, kadibna waxaa lagu heshiiyay in beesha bixiso lacag  oo magdhow ah ooo dhan £6000 taasina waxay ku tusinasaa sida ay dadka reer somaliland  u necbaayeen dadka shisheeya ah e dalkooga iska soo gala , waxaa kale oo ingriiska ka yaaabisay markii habeen badh weerar lagu qaaday , si xuna dhaawac loogu gaystay ninkii la odhon jioray RECHARD .F BURTON oo ingriiska sahamiye u ahaa 1855 intaasi ka dib ingriisku wuxuu kau dhaqaaqay  inuu la heshiiyo dadka reer somaliland heshiisyo ganacsi  oo kooban. Heshiiskii u horeeyey ayaa la kala  saxeexday sanadkii 1857 waxaana kala saxeexday shirkad la odhon jiray EAST INDIAN COMPANY  iyo odhoyaal reer berbera ah
Mustacmarkii Engiriiska waxa uu si toosa u yimid xeebaha Somaliland 1884. Ingiriisku ayaa dhowr jeer heshiisyo kala duwan la saxeexday odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland

                 Heshiiskii Saamaha
Odayaashii ku noolaa deegaanada xeebaha dalka iyo dawladii ingiriiska waxa dhexmaray heshiis
Ay si wada jira u saxeexeen labada dhinac waxaanu ka koobnaa qodoba dhawra oo ay ka mid ahaayeen
  • In aanay dawlada ingiriisku iibin Karin , kirayn karin, hibayna Karin ,cid kale oo qabsatana u ogolaan Karin dhulka soomaaliland .
  • In dhamaan maraakiibta wadata calanka ingiriisku ay ka ganacsan karaaan xeebaha soomaaliland
  • In dadka uu maamulo ingiriisku ee imanaya dhulka soomaaliland ay helayaan nabad galyo buuxda
  • In si buuxda loo joojiyo ganacsiga adoomaha la soo marinayo dhulka soomaaliland
  • In wakiil ingiriisku u soo magacaabo dhulka soomaaliland loo la dhaqmo si xushmad iyo itiraam leh.
Qabiiladii deganaa xeebaha ee  heshiiskan saxeexay  waxay ahaayeen:
  • sacad-muuse) nuux ismaciil—14 juulay 1884 waxa berbera ku saxeexay 29 oday.
  • Sacad-muuse) reer gadiid, reer Shirdoon, Makaahiil, Cismaano  iyo Cabdalle Sacad=10 juulay 1884 waxa Bulloxaar ku saxeexay 35 oday
  • Habar-Toljecle) uduruxmiin=26 diisamber 1884 karin iyo xiis waxa ku saxeexay 39 oday.
  • Ciise iyo gudabuursi) mamaasan iyo maxamed case=11 diisamber 1884 waxa saylac ku saxeexay 33 oday.
  • Habar-yoonis) muuse carro—-3 jeenaweri 1885 waxa maydh ku saxeexay 19 oday.
  • Warsangeli) bah-majeerteen=27 jeenaweri 1886 waxa laas-qoray ku saxeexay 17 oday.
Dhinaca ingiriiska waxa heshiiska u saxeexay wakiilkooda Frederick meyer Hunter.

Fiiro-gaar ah: qabiilooyinka halkan ka maqani may lahayn dekedo u gaar ah oo ay maamulaan, balse waxay degi jireen dhulka ka baxsan xeebah.


Markii dawlada ingiriisku ka faraxalatay heshiisyadii saamaha, ayuu ingiriisku dhawaaqay inuu masuul ka yahay Somaliland. Waxaana arrintaasi ku kalifay heshiis ay dawladaha reer yurub ku gaadheen inay u tartamayaan ama ay qaybsadaan afirka.

             Magaca Somaliland
Horaantii sanadkii 1887, ayaa magaca Somaliland oo markii hore ahaa af-carabi” Berri somaal”. Ayey odaydu ku saxeexeen heshiiskii saamaha loo beddalay af-ingiriisi, ka dib wuxuu noqday “ Somaliland”. Sida taariikh-yahandu sheegayaan magacan Berri somaal waxa bixiyey dawladii cusmaaniyiinta ee masar ay wakiilka ah ahayd.
    Halkee Somaliland laga maamulayey?

Wuxuu ingiriisku cadeeyey in maxmiyadda Somaliland laga maamuli doono Cadan oo raacsan maamulkii ingiriiska ee hindiya ka talinayey. Waxa kale oo uu faransiiku ku dhawaaqay inuu la heshiiyey beelaha ciise iyo canfar eek ala deg Obokh iyo Jabuuti oo uu ka taliyo dhulkaasi ay degaan. Arrintaasi waxay ka dambaysay markii uu faransiiku maqlay heshiiskii ingiriiska la galay beelaha isaaq iyo gudabuursi warsan gali. Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay ingiriiska iyo faransiiska oo salka ku haya dhulka ciisuhu dego inuu midwaliba isagu maamulo, aakhirkiina waxay isla garteen heshiis ay gaadheen labada dal.
Badhtamihii sanadkii 1887 ayuu ingiriisku soo magacaabay saddex sarkaal oo wakiil uga noqda xeebaha Somaliland gaar ahaan, Berbera, saylac iyo Bulloxaar. Waxa kale oo la socday waxoogaa askar ilaalo ah, oo sugta ammaanka saddexda wakiil. Askastani waxay mararka qaarkood kala dhexgali jreen qabiilooyinka ay xurguftu  dhextaal ama geela kala dhaca. Waxa muddo yar ka bacdi la keenay askar reer Somaliland, oo cadan lagu soo tababaray sidii boolisk u shaqeeya. Waxay ka shaqayn jireen magaalooyinka xeebaha ah, oo ay sugi jireen amniga iyo kala dambaynta. Kamay shaqayn jirin dhinaca miyiga oo colaad xumi ka jirtay, oo ku salysnayd geel-dhicis iyo safar-dhicis. Taasi waxay cadaynaysaa inay ku koobnaayeen meelo cayiman.

        xuduuda Somaliland iyo jabuuti?

Horaantii sanadkii 1888 ayey ingiriiska iyo faraniisku ku kala saxeexdeen heshiis dhigaya xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo jabuuti. Xuduudaasi oo ka soo bilaabmaysa xariijin dhexmarta ceel caddo ( lawyocaddo), oo ah goob u dhexaysa dekeda sayla iyo jabuuti islamarkaana mari doonta Habasweyn, Biyo qabooba, Gildeesa ilaa Harar.

Muddo ka dib dawladda faransiika ayaa ku dhawaaqday in jabuuti tahay caasimada dhulka uu ka taliyo. Dawladaha reer yurub heshiisyada ay la galeen qabaa’ilka, waxay u arkayeen inay dantooda ku jirto.
          Juqraafiyada Soomaaliland

Somaliland waxay ku taal geeska Afrika, dhinaca waqooyiga waxa ka xiga badda cas, Waqooyi galbeedna waxa ka xiga dalka Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna waxaa ka xiga Ethiopia, barina waxaa ka xiga maamulka Puntland.  Koonfurna waxa ka xiga somaliya, Tirada dadka Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 3 malyan iy badh ilaa 4 milyan. Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2. Cimilada dalkani waa kulayl xige, roobkuna dhulku wuxuu helaa laba xili sanadkii , Somaliland waxa ay ku jirtaa dalalka ugu cimilada wanaagsan caalamka.
DIB ULA SOO NOQOSHADII XORIYADA 1960

Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka, inkastoo la jabiyey sayidka laakiin halkaas waxa kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar oo usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii, Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii.

Aasaasihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa bishii febraayo 1960kii isaga iyo wefti uu hoggaaminaayo u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xornimo buuxda lasiiyo.

26 Juun 1960kii bay aheyd markii “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya, waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas ayey midoobeen Somaliland iyo somaliya, inkastoo midawgaa lagu biirey koonfurta lagu khasaarey dhib badan loogeystey dalka iyo dadka .
XORIYADII LUNTEY IYO GUUSHII SNM

Markii reer somaliland la midoobeen koonfurta somaliya 1960kii, ayaa waxa timid in ay beenawdo riyadii aheyd iney isku keeneen bahda afka somaliga ku hadasha oo dhan iyaguna hormood u noqdaan,  laakiin markiiba wey beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen ee dhinacyada siyaasada dhaqaalaha, iyadoo taasi jirto ayaa kalidii taliyihii Siyaad Barre caga jugleyn badan., cadaadis ballaadhan oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi iyo in diyaaradu  iney ka kacdo madaarka hargeisa isla hargeisana duqeyso ugeystey bulshada Somaliland, dabadeed waxa ka dhashay kacdoon dadweyne, kaas oo uu kamid ahaa dhaqdhaqaaqii SNM, waxaana 6 dii abril 1981 lagu dhawaaqay ururkii SNM oo ay taageersanaayeen shacbiga Somaliland si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay 1960kii.

Mudo ku sineyd 10 sano markii dagaal qaadhaadhi dhexmarayey jabhadii SNM iyo kalidii taliye maxamed siyaad  bare waxa shacbiga somaaliland dib u heleen xoriyadoodii godka madaw kaga dhacday 1 dii julay 1960 kii .
18 may 1991 ayaa dhamaan beelaha wada daga soomaaliland madax dhaqameedkooda iyo siyaasiyiintii dalka xoreeyey kaga dhawaaqay  madaxbanaanida qaranida jamhuuriyda barakaysan ee Soomaaliland tan iyo maalintii Somaliland lagu dhawaaqayna waxa lagu talaabsaday horumar balaadhan oo dhinacyo badan leh sida xoriyada ,dhaqaalaha siyaasada ,ganacsiga, aqoonta iyo dib udhiska dalka  .
Wax kasta oo ay soomaaliland qabsatay ma aha awoodooda oo kaliya ee waxa ku lamaanaa talo saarashada Rabi swt . iyada oo xaqii dildilaacay  
Hadaba waxa inagu soo aadan xuska sanad guurada 27 aad ee jiritaanka qaranimada somaaliland oo dhawaan dalka iyo caalamkaba laga xusi doono  hadii alle idmo .
Intani waa falcelinta balanqaadkii aan dhawaan idiinku balan qaaday bogayga facebook lkn se muwaadin ma aha tani xogta kama danbaysta ah ee waa in tii awoodayda iyo aqoontaydu ii suurto galisay in aan qoro  waana carin maskaxo badan oo aan hubo in ay iga xogogaalsanyihiin iga aqoon badan yihiin igana qalin qoraal fiicanyihiin muwaadin ku tabaruc dalkaaga dadkaa fikirkaaga aqoontaada iyo xogaha dahsoon ee aad hayso kagana qayb qaado dabaal daga 27 aad ee qaranimada jamhuuriyada soomaaliland,
Waan dareen sanahay waxa dhiman mawduucyo  badan o aad tabaysaan danaynaysaana in aad ogaataan balse waxa aan uga tagayaa muwaadiniinta kale ee dalka
Guntii iyo gabagabadii waxa aan idin ka codsanayaa in aad ogaataan muhimada Dalkaaga Hooyo leeyahay kala saartaana mucaaridnimada siyaasada dhexdeena iyo jiritaanka dalka JAMHUURIYADA SOOMAALILAND  muwaadin lagaama xigo wadanka adaa leh balse dhawro sumcadiisa .

Fadlan ku taxnow  bogan waxa aad sidoo kale xogo dheeraad  ka heli doontaan