Somaaliland Ingiriistii hortii
Bulsho reer Somaliland waxa ahaayeen bulsho reer miyi, waxa m/weyne ka ahaa suldaanka, waxa wasiiro ka ahaa caaqilada, waxa ciidan ka ahaa dhalinyarada. Wax sharci u ahaa xeerar xeerarkaasi oo ku salaysnaan jirey duruufaha la xidhiidha noloshooda iyo hadba wixii la soo gudboonaada. Waxay ahaayeen xoolo dhaqato iyo reer-guuraa kolba meel u hayaama, oo aan lahayn dhul u gaar ah, waxay degi jireen meeshii lagu sheego baad iyo biyo.
Soo galitaankii Ingiriiska ee Dhulka Soomaaliland
Beelahii daganaa Dhulka Somaliland waxa caado u ahaan jirtay colaado dhexdooda yaallay, oo ku salaysnaa geela la kala dhaco, biyo iyo daaq lagu dagaalamo. Aanooyin Qabiil. Kolba beeshii tiro badan ayaa geela ka dhici jiray kuwa kale. Arrintaasi waxay u sahashay ingiriisku inu soo kala dhexgalo beelaha geela kala dhacaya. Markii dambe ayuu daraasad ku sameeyay, ka dib wuxuu taageero hiil iyo hoo u fidiyey beelahii geela xooga lagaga dhacayey. Ka dib beelihii qaar ayaa nasteex mooday taageeradii. Waana halka uu ka yimid fikirka “ qaybi oo xukun”. Waana tii soomaaliddu ka maahmaahday ee tidhi” yey is cunaysaa waraabe iskama celiso”.
Sida caadada u ah gumaystayaasha, markay doonayaan inay meel qabsadaan waxay marka hore diri jireen sahamiye soo darsa oo warbixin buuxda ka keena goobta la doonayo in la qabsado.
Sanadkii 1823 ayuu ingiriisku soo diray nin sahamiye ah oo la odhan jiray W.F.OWEN si uu darso xeebaha Somaliland ee kala ah: saylac, bulaxaar, berbera, maydh, xiis iyo laas qoray. ninkii sahamiya ahaa ayaa isticmaalay qaabuu iska dhigayo nin ganacsade ah , oo doonaya inuu alaab ka iibsado magaalooyinka ku teedsan badda cas. Ka dib marka uu noqday ayuu warbixin dheer ka siiyay ingiriskii noloshaada iyo waayaha yaalla.
Ingiriiskii oo ka shidaal qaadanaya warbixintii wuxuu ku sheegay xeebaha soomaliland yihiin qaar la tagi karo, dadka ku noolina ay yihiin dad furfuran oo ganacsi lala yeelan karo .
Sanadkii 1825 ayuu ingriiskii soo diray markab la odhon jiray mary oo ay saaran yihiin koox dad ah, kuna soo xidhay magaalada berbera , kadib dadkii oo ka diidsan cadaankan iska soo galay dalka ayay dagaal ku qaadeen halkaa dagaal xun ayaa ka dhacay aakhirkiina markabkii iyo kooxdii la socotay waa la laalay, kadibna waxaa lagu heshiiyay in beesha bixiso lacag oo magdhow ah ooo dhan £6000 taasina waxay ku tusinasaa sida ay dadka reer somaliland u necbaayeen dadka shisheeya ah e dalkooga iska soo gala , waxaa kale oo ingriiska ka yaaabisay markii habeen badh weerar lagu qaaday , si xuna dhaawac loogu gaystay ninkii la odhon jioray RECHARD .F BURTON oo ingriiska sahamiye u ahaa 1855 intaasi ka dib ingriisku wuxuu kau dhaqaaqay inuu la heshiiyo dadka reer somaliland heshiisyo ganacsi oo kooban. Heshiiskii u horeeyey ayaa la kala saxeexday sanadkii 1857 waxaana kala saxeexday shirkad la odhon jiray EAST INDIAN COMPANY iyo odhoyaal reer berbera ah
Mustacmarkii Engiriiska waxa uu si toosa u yimid xeebaha Somaliland 1884. Ingiriisku ayaa dhowr jeer heshiisyo kala duwan la saxeexday odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland
Heshiiskii Saamaha
Odayaashii ku noolaa deegaanada xeebaha dalka iyo dawladii ingiriiska waxa dhexmaray heshiis
Ay si wada jira u saxeexeen labada dhinac waxaanu ka koobnaa qodoba dhawra oo ay ka mid ahaayeen
In aanay dawlada ingiriisku iibin Karin , kirayn karin, hibayna Karin ,cid kale oo qabsatana u ogolaan Karin dhulka soomaaliland .
In dhamaan maraakiibta wadata calanka ingiriisku ay ka ganacsan karaaan xeebaha soomaaliland
In dadka uu maamulo ingiriisku ee imanaya dhulka soomaaliland ay helayaan nabad galyo buuxda
In si buuxda loo joojiyo ganacsiga adoomaha la soo marinayo dhulka soomaaliland
In wakiil ingiriisku u soo magacaabo dhulka soomaaliland loo la dhaqmo si xushmad iyo itiraam leh.
Qabiiladii deganaa xeebaha ee heshiiskan saxeexay waxay ahaayeen:
sacad-muuse) nuux ismaciil—14 juulay 1884 waxa berbera ku saxeexay 29 oday.
Sacad-muuse) reer gadiid, reer Shirdoon, Makaahiil, Cismaano iyo Cabdalle Sacad=10 juulay 1884 waxa Bulloxaar ku saxeexay 35 oday
Habar-Toljecle) uduruxmiin=26 diisamber 1884 karin iyo xiis waxa ku saxeexay 39 oday.
Ciise iyo gudabuursi) mamaasan iyo maxamed case=11 diisamber 1884 waxa saylac ku saxeexay 33 oday.
Habar-yoonis) muuse carro—-3 jeenaweri 1885 waxa maydh ku saxeexay 19 oday.
Warsangeli) bah-majeerteen=27 jeenaweri 1886 waxa laas-qoray ku saxeexay 17 oday.
Dhinaca ingiriiska waxa heshiiska u saxeexay wakiilkooda Frederick meyer Hunter.
Fiiro-gaar ah: qabiilooyinka halkan ka maqani may lahayn dekedo u gaar ah oo ay maamulaan, balse waxay degi jireen dhulka ka baxsan xeebah.
Markii dawlada ingiriisku ka faraxalatay heshiisyadii saamaha, ayuu ingiriisku dhawaaqay inuu masuul ka yahay Somaliland. Waxaana arrintaasi ku kalifay heshiis ay dawladaha reer yurub ku gaadheen inay u tartamayaan ama ay qaybsadaan afirka.
Magaca Somaliland
Horaantii sanadkii 1887, ayaa magaca Somaliland oo markii hore ahaa af-carabi” Berri somaal”. Ayey odaydu ku saxeexeen heshiiskii saamaha loo beddalay af-ingiriisi, ka dib wuxuu noqday “ Somaliland”. Sida taariikh-yahandu sheegayaan magacan Berri somaal waxa bixiyey dawladii cusmaaniyiinta ee masar ay wakiilka ah ahayd.
Halkee Somaliland laga maamulayey?
Wuxuu ingiriisku cadeeyey in maxmiyadda Somaliland laga maamuli doono Cadan oo raacsan maamulkii ingiriiska ee hindiya ka talinayey. Waxa kale oo uu faransiiku ku dhawaaqay inuu la heshiiyey beelaha ciise iyo canfar eek ala deg Obokh iyo Jabuuti oo uu ka taliyo dhulkaasi ay degaan. Arrintaasi waxay ka dambaysay markii uu faransiiku maqlay heshiiskii ingiriiska la galay beelaha isaaq iyo gudabuursi warsan gali. Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay ingiriiska iyo faransiiska oo salka ku haya dhulka ciisuhu dego inuu midwaliba isagu maamulo, aakhirkiina waxay isla garteen heshiis ay gaadheen labada dal.
Badhtamihii sanadkii 1887 ayuu ingiriisku soo magacaabay saddex sarkaal oo wakiil uga noqda xeebaha Somaliland gaar ahaan, Berbera, saylac iyo Bulloxaar. Waxa kale oo la socday waxoogaa askar ilaalo ah, oo sugta ammaanka saddexda wakiil. Askastani waxay mararka qaarkood kala dhexgali jreen qabiilooyinka ay xurguftu dhextaal ama geela kala dhaca. Waxa muddo yar ka bacdi la keenay askar reer Somaliland, oo cadan lagu soo tababaray sidii boolisk u shaqeeya. Waxay ka shaqayn jireen magaalooyinka xeebaha ah, oo ay sugi jireen amniga iyo kala dambaynta. Kamay shaqayn jirin dhinaca miyiga oo colaad xumi ka jirtay, oo ku salysnayd geel-dhicis iyo safar-dhicis. Taasi waxay cadaynaysaa inay ku koobnaayeen meelo cayiman.
xuduuda Somaliland iyo jabuuti?
Horaantii sanadkii 1888 ayey ingiriiska iyo faraniisku ku kala saxeexdeen heshiis dhigaya xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo jabuuti. Xuduudaasi oo ka soo bilaabmaysa xariijin dhexmarta ceel caddo ( lawyocaddo), oo ah goob u dhexaysa dekeda sayla iyo jabuuti islamarkaana mari doonta Habasweyn, Biyo qabooba, Gildeesa ilaa Harar.
Muddo ka dib dawladda faransiika ayaa ku dhawaaqday in jabuuti tahay caasimada dhulka uu ka taliyo. Dawladaha reer yurub heshiisyada ay la galeen qabaa’ilka, waxay u arkayeen inay dantooda ku jirto.
Juqraafiyada Soomaaliland
Somaliland waxay ku taal geeska Afrika, dhinaca waqooyiga waxa ka xiga badda cas, Waqooyi galbeedna waxa ka xiga dalka Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna waxaa ka xiga Ethiopia, barina waxaa ka xiga maamulka Puntland. Koonfurna waxa ka xiga somaliya, Tirada dadka Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 3 malyan iy badh ilaa 4 milyan. Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2. Cimilada dalkani waa kulayl xige, roobkuna dhulku wuxuu helaa laba xili sanadkii , Somaliland waxa ay ku jirtaa dalalka ugu cimilada wanaagsan caalamka.
DIB ULA SOO NOQOSHADII XORIYADA 1960
Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka, inkastoo la jabiyey sayidka laakiin halkaas waxa kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar oo usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii, Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii.
Aasaasihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa bishii febraayo 1960kii isaga iyo wefti uu hoggaaminaayo u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xornimo buuxda lasiiyo.
26 Juun 1960kii bay aheyd markii “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya, waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas ayey midoobeen Somaliland iyo somaliya, inkastoo midawgaa lagu biirey koonfurta lagu khasaarey dhib badan loogeystey dalka iyo dadka .
XORIYADII LUNTEY IYO GUUSHII SNM
Markii reer somaliland la midoobeen koonfurta somaliya 1960kii, ayaa waxa timid in ay beenawdo riyadii aheyd iney isku keeneen bahda afka somaliga ku hadasha oo dhan iyaguna hormood u noqdaan, laakiin markiiba wey beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen ee dhinacyada siyaasada dhaqaalaha, iyadoo taasi jirto ayaa kalidii taliyihii Siyaad Barre caga jugleyn badan., cadaadis ballaadhan oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi iyo in diyaaradu iney ka kacdo madaarka hargeisa isla hargeisana duqeyso ugeystey bulshada Somaliland, dabadeed waxa ka dhashay kacdoon dadweyne, kaas oo uu kamid ahaa dhaqdhaqaaqii SNM, waxaana 6 dii abril 1981 lagu dhawaaqay ururkii SNM oo ay taageersanaayeen shacbiga Somaliland si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay 1960kii.
Mudo ku sineyd 10 sano markii dagaal qaadhaadhi dhexmarayey jabhadii SNM iyo kalidii taliye maxamed siyaad bare waxa shacbiga somaaliland dib u heleen xoriyadoodii godka madaw kaga dhacday 1 dii julay 1960 kii .
18 may 1991 ayaa dhamaan beelaha wada daga soomaaliland madax dhaqameedkooda iyo siyaasiyiintii dalka xoreeyey kaga dhawaaqay madaxbanaanida qaranida jamhuuriyda barakaysan ee Soomaaliland tan iyo maalintii Somaliland lagu dhawaaqayna waxa lagu talaabsaday horumar balaadhan oo dhinacyo badan leh sida xoriyada ,dhaqaalaha siyaasada ,ganacsiga, aqoonta iyo dib udhiska dalka .
Wax kasta oo ay soomaaliland qabsatay ma aha awoodooda oo kaliya ee waxa ku lamaanaa talo saarashada Rabi swt . iyada oo xaqii dildilaacay
Hadaba waxa inagu soo aadan xuska sanad guurada 27 aad ee jiritaanka qaranimada somaaliland oo dhawaan dalka iyo caalamkaba laga xusi doono hadii alle idmo .
Intani waa falcelinta balanqaadkii aan dhawaan idiinku balan qaaday bogayga facebook lkn se muwaadin ma aha tani xogta kama danbaysta ah ee waa in tii awoodayda iyo aqoontaydu ii suurto galisay in aan qoro waana carin maskaxo badan oo aan hubo in ay iga xogogaalsanyihiin iga aqoon badan yihiin igana qalin qoraal fiicanyihiin muwaadin ku tabaruc dalkaaga dadkaa fikirkaaga aqoontaada iyo xogaha dahsoon ee aad hayso kagana qayb qaado dabaal daga 27 aad ee qaranimada jamhuuriyada soomaaliland,
Waan dareen sanahay waxa dhiman mawduucyo badan o aad tabaysaan danaynaysaana in aad ogaataan balse waxa aan uga tagayaa muwaadiniinta kale ee dalka
Guntii iyo gabagabadii waxa aan idin ka codsanayaa in aad ogaataan muhimada Dalkaaga Hooyo leeyahay kala saartaana mucaaridnimada siyaasada dhexdeena iyo jiritaanka dalka JAMHUURIYADA SOOMAALILAND muwaadin lagaama xigo wadanka adaa leh balse dhawro sumcadiisa .
Fadlan ku taxnow bogan waxa aad sidoo kale xogo dheeraad ka heli doontaan