Bismilah , maan jeclayn inaan wax ka qoro arimaha siyaasada
ka sokow kuwa bulshada balse waxa aan ka adkaysan kari waayey waxyaabaha
waaqaca ah ee ka socda dalka oo aanu qaflad iska galinaynay aniga iyo inta kale
ee ila fikirka ahba haatan se aan dan mooday inaan muujiyo fikirkayga qof
ahaaneed .
Sidaa daraadeed horta wadanka aynu kunool nahay waa wadan
yar oo curdin ah ,haysana aqoonsi caalani ah balse ilaahay ku galadaystay amni
iyo horumar la taaban karo . haatan se aad moodo in uu gacanta ugalay kooxo
qalafaysato ah oo aan lexejeclo hayaraato ama habadnaatee kaga jirin sii
waaritaanka wadanka iyo horumarkiisa toona kaliya danahooda gaarka ah mooyee .
Bal aan kow ka idhaahdo qaladaadka baahsan ee qoloba qoloda
kale kaga eryanayso /kicisanayso kursiga sida aynu la wada socono shalay ahayd
mudane madaxwayne markii aad ku doodayseen amaba ku andacoonayseen dushana
dhaliil ahaan ugaga tuurayseen xukuumadii idinka horaysay ee madaxwayne mudane
Daahir Rayaale Kaahin qodobada ay ka midka yihiin askarbaa baarlamaankii JS la soo dhoobay
,xildhibaanadu xasaanad bay leeyihiin ,rasaasbaa dad shacaba oo dareenkooda si
salmi ah u muujinaya loo adeegsaday ,saxaafadii baa la cabudhiyey ,xoriyatul
qawlkii baa laga hor yimid,xildhibaanaa la iibsadaa oo guryaha loogu
gudaaa,hantidii dawlada ayaa na loo adeegsanayaa,guryihii dawlada ayaa la
iibiyey lacagtuna jeeb kale ayey ku dhacdaa,mashaariicda maalgashiga shirkadaha
caalamiga ah ha la soo mariyo baarlamaanka
iyo waliba qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin waxa ay
ka midyihiin waxayaabaha aad ku dhaliilayseen xukuumadii hore idinku haatan ku
dhaliilantihiin , sidaa la ajligeed waxa aan idin su’aalnay mdaxda xukuumadahaw
waxa marka aad mucaaradka tihiina qaladka ka dhiga marka aad xukunka qabsataana
sax ka dhiga .
Ma waxa weeyi la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan .
Xisbiyda mucaaradka ah khaasatan xisbiga wadani iyo
gudoomiyha baarlamaanka mudane ciro waxa aan leeyahay mudane gudoomiye waa
maxay waxa qaldan ee aad imika oo aad tahay gudoomiyihii baarlamaanka JS aad
sixi laa dihiin ee aad saxayso markaad madaxwayne noqoto?
Waa ayo se xukuuumada aad dhaliilayso miyaanad ka mid ahayn
masuuliyiinta qaran ahan ugu saraysa ? dhaliisha iyo ceebaha se miyaanad la
qabin ?
Goormay se xaaraan noqotay mudu kurdhin loo sameeyo xukuumad
iyada oo aad ku fadhido kursi mudo kordhintiisu
marayso 4 sano oo dheeraad ah
.
Waxa aan ku soo afmeerayaa hadal nin badiyey ma wada odhan
nin gaabiyey waxba kama tagin
Waxii la sii qod
qodana qudhunbaa loogu dhaadhacaaye ee
sidan aad wadaan isku kiin soo wada duuboo waa KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR
Qalinkii : Mohamed Hassan mouse
Email: calaydh189@hotmail.com
Phone: 063-4228940
No comments:
Post a Comment