Muxuu yahay dheeraadka ay inoo qabteen ?
Qof kasta oo aduunka guudkiisa ku nool ha noqdo gaal ,islaam
,rag , dumar,yar,wayn,jaahil amaba aqoon
leh. Waxa uu leeyahay miqiyaas rabaani
ah oo ilaahay ku galadaystay si uu ugu kala garto saxa iyo qaladka ama xumaanta
iyo wanaaga inana waxa uun aynu ka mid
nahay umadahaasi .
Sidaa daraadeed waxa aan maanta qalinka u qaatay inaan
fikirkayga qof ahaaneed amaba shakhsiyeed ku cabiro arin waayahanba maskaxdayda
ka guuxaysay hase ahaatee ilaahay subxaana watacaalaa koreeye aanu ii suurta
gelin odhaahdeeda iyo qoraalkeeda toona balse ay maanta sugnaatay .
ARRIN! Qof kasta oo akhriya maqaalkan ama maqla oo looga
sheekeeya waxa uu is weydiinayaa waxa ay
tahay arintaasi ma amaanbaa , ma dhaliilbaa ,ma ducaa, ma
habaarbaa(hareerahayga) ma khayrbaa, ma sharbaa(na cuudu bilaahi). Hadaa waa
maxay ? bal adba .
ka dib malaawaal maskax bini aadam hadba meel u malayn waxa
uu qof walba heleyaa natiijada saxda ah ee ulajeedada maqaalkan oo ah inaan wax
ka idhaahdo hab dhaqanka iyo tacamuulka xukuumadadihii ina soo maray mudadii uu
qarankani xornimadiisa dib ula soo nodqday oo gaadhaysa 23sano ah oo waafaqsan
18/may/ 1991, Gaar ahaan labadii xukuumadood ee u danbeeyey oo ay kala
hogaaminayaan madaxweyne mudane daahir rayaale kaahin iyo madaxweynaha haatan
talada haya ee mudane axmed maxamed maxamuud siilanyo oo ah inata aan ogaalkay
, garashadayda ama dadaydu gaadhayso .aniga oo inyar is dul taagi doona hab
dhaqanka xukuumada haatan talada haysa oo inta badan dadku imika wada garanayaan
xusuustooda haatan ku weynatahay balse dad badan quluubtooda ay ku
xardhanatahay xusuuta xukuumadadihii hore .
Intaa ka dib waxaan wax ka odhan doonaa kolay noole ilaahay abuuray
oo dhami wax tar buu leeyahay hanoqdo mid badan amaba mid yare, waayo waayo
soomalidii hore way maahmaahi jireen oo waa kuwa yidhi (rag wax ma tare ma leh
wax yar tare mooyee) . Oo dee aboorbaa dundumo dhisa oo waliba candhuuftiisa ku
dhisa.
sidaa daradeed horta
tu kastaa waxbay qabatay habadiso ama ha yareysee balse waxa nasiib daro ah
markasta waxa dhagaheena iyo indhaheenaba ka badatay masuuliyiin badan oo ku faanaya
shaqadooda iyagoo leh kanaan qabtay iyo kanaan qabtay .
! waa maxay tolow dheeraadka ay inoo qabteen? Maxay inagaga mushahar iyo magacba qaataan?
cajebay cajiibey carigani waali badanaa, waxa aynu bilo ka joognaa maalintii ay
xukuumadu soo bandhigtay wax qabadka sanadoodii afraad iyadoo ay soo bandhigeen
wax qabad badan balse wax qabadkooda dhaliilo badani dul hoganayaan waxa aan midh midh isu dul taagi doonaa dhaliilaha
cad ee xukuumada haatan talada haysa ku dhaliilayno hadaanu nahay da’yarta
Somaliland .
Kow aan ka idhaahdo
(ileen wax la raajaa rag kuma samee) aniga oo soo qaadi doona intii ay ku
faaneen dhinacooda kale ee daaha la saaray .
Nabad galyada
Sida aynu la wada socono waxa ay xukuumadu ku faantay inay
wax ka qabatay nabad galyada balse ay tahay been abuur waayo nabad galyada
xukuumada siilaanyo horteed waynu haysanay imikana haysanaa rejeynaynaa inaynu
haysan doono hadii eebe idmo.
balse xukuumadu may
ilowday inay tahay xukuumadii u horeysay ee xuduudkeeda ka soo dagaan jabhad
wadan ka dagaalanta si toosana ay u dhex maraan iyadoo wadankaana ay cilaaqaad
fiicani naga dhaxeeyo ha noqoto mid bulsho , dhaqaale iyo siyaasadeedba .
Inay tahay xukuumda kaliya ee suurta galisay habdhaqankii
kali taliskii maxamed siyaad bare ee ahaa cabudhinta xoriyatul qawlka,
saxaafada iyo siyaasada .
Waxbarashada
Waa run xukuumadu waxa ay bilaash ka dhigtay waxbarashada dugsiyada
hoose dhexe wallow si dadban uun hadana
loo qaado iyada oo loo magac bixiyey hadana waanu ogolnahay oo taa way ku
amaananyihiin.
Balse xukuumadu waxa
ay indhaha ka qarsataa marka ay hadlayaan heerka tayada waxbarashada dalka ee
min dugsi hoose dhexe ilaa jaamad, ma tahay waxbarshada dalka lagu hayaa mid
ilaa heerkan lagu faani karo ( ileen tiro
waxba ma tartee tayaa wax tarta ) waayo waxa marag ma doona hoos u dhaca wax
barashada iyo habka maamulka jaamacada hargeisa iyada oo ay ragadisay qabyaalad
iyo maamul xumo kow ka tahay xukuumadu, iska daba dhaca dugsiyada gaarka loo
leeyahay, hoos udhaca dugsiyada dawliga ah oo ay kormareen goobaha ganacsiga
ama private schools iyada oo tasi jirto waxa
nasiib daro ah in xukuumadu dhamaanteed ku faanto sanad kasta waxaanu bilaash
ka dhignay waxbarashada
Caafimaadka
Aniga ogaalkay waxa uun dalka ku soo hadhay oo caafimaad ka
baadha dadka jeebku gabay oo keliya wallow ay jiraan dhaakhaatiir gaar loo
leeyahay oo ay tayadoodu wanaagsan tahay taana waan la goyn karayn bal aan
dhaafno hargeisa iyo magaalo madaxyada wadanka oo aan tagno tuulooyinka iyo
miiyada wax aad arki wax aanad arki karayn oo ay indhahaagu aragiisa diidayaan,
wax aanad maqli karayn oo dhagahaagu maqalkiisa
diidayaan oo ah gabadh la leeyehay way isku go’day way dhiig baxaday nafaqo
daro ayaa dishay iyagoo aan heleyn guud
ahaanba adeeg caafimaad ha yaraado ama ha badnaadee hadaba dadkaa yaa ka
masuula?.
Dhaqaalaha
Dhaqaaluhu waa laf
dhabarta wadanka horumarkastaana waxa uu ku xidhanyahay isaga hadaba ma
muuqaataa xukuumad kobcisay amaba kor u qaaday dhaqaalaha wadanka aniga iyo in
badan oo umada ka mida ahna dadka aan ku tacaluqin kuna dhex milmin siyaasada
waxa aan qabaa in xukuumadani ay tahay mid umada u kala qaybisay dabaqado. . Waayo waxa aad magaalada hargeisa
ku arkaysaa dad ku nool maalintii wax ka yar 20,000 sl sh iyo qaar ku nool in ka badan 20$ dollar
waa nolol maalmeedkee. Waxa iga su,aala dadyahaw yaa ka masuula noloshan ku
salaysan dollarka ?
Dhalinyarada
Sida aynu la wad socono dhalinyarada wadanku waa 70% waana
udub dhaxaaadka qaranka ,dhaxalsugayaasha beritoole hogaanka mustaqbalka,aabaha
iyo hooyada beri waxaanay u baahanyihiin in la kobciyo la koriyo maskaxdooda
iyo muruqoodaba. Taa daa hadalkeeda oo waxa manta muuqata rajo dhigista manta
da’yrtu ka rejo dhigtay ku noolaanshaha wadanka iyag oo guud ahaanba u cararaya
wadamada galbeedka sidii ay u raadsan
lahaayeen nolol noloshan dhaanta iyagoo ku andacoonaya shalay dhaantay mooye
inaanay jirin maantay dhaantaa .
Guntii iyo gabo gabadii qoraalka waxa aan ku soo afmeerayaa tix gabaya oo uu
tiriyey mid ka mid ah abwaanadeena dalka waa hadraawiye oo aan jeclaystay sida
hufan qurxoon ee ay u tilmaamayso siyaasiyiinta. Maansadan oo la yidhaa xayaab.
Maansadu xayaab weeyi
Xadhig lama sitaan weeyi
Kolna xoorka geel weeyi
Dhay xalowsigeed weeyi
Murtidayda xadi maayo
Nina xeer u dhigan maayo
Xumaantana ma qarinaayo
Madaxnimo xurmaynteeda
Xushmadiyo wanaageeda
Hadii lagugu xayndaabo
Xukunkana laguu dhiibo
Xilku maaha xaabxaabsi
Xabad iyo dagaal maaha
Xaqa laal xabaal maaha
Dulmigana xanbaar maaha
Xuluulayso keli maaha
Xabagtana ka sii gooso
Daar xaradh leh ku xisaabtan
Iyo moodhar xiimaya
Xidhmo qaada soo qaado
Xulafana dabadeed yeelo
Iyo koox xayaysiis ah
Qabiil xero u ood maaha
Inta xunxun xurquun maaha
Inta kalana xoor maaha
Xeedhada sal dhaw maaha
Xaab xaabka leef maaha
Kuwii hore xujee maaha
Adiguna ha xeel dhaamin
Kursiguun xasili maahaa
Yaan nin kale
xoogtayn maaha
Kaligaa xagee maaha
Sharcigana xasee maaha
Xilku maaha ku xafiiltan
Xuurtada ku hay maaha
Xasuuqii ilow maaha
Waliba sii xag xago maaha
Xoriyada cabudhi maaha
Xabsiga u taxaab maaha
Xilku maaha xagaansi
Dhaxal kuu xasilay maaha
Xoolihii aabahaa maaha
Xilkan waa laguu dhiibtay
Xoolahan dadwaynaa leh
Xaasas iyo agoomaa leh
Jabhadii xoraysaa leh
Odayaal xaroo baa leh
Islaamahan xashoo baa leh
Sabi xayn ku jira baa leh
Curyaankaa xamaartaa leh
Xujaaj iyo wadaadaa leh
Haweenkaa xusbinayaa leh
Xoolaha ka raacaa leh
Ka xashiishka gurayaa leh
Shaqaalaha kan xoodmaa leh
Askari gaadh ku xiiqaa leh
Caaqil duub ku xidhan baa leh
Umad xogo daran baa leh
Ninkaan nagu xurmaynaynin
Xadayee xad dhaafaaya
Inuu xoogay moodaaya
Waa in laga xayuubshaa
Xilka umada ha u dhigoo
Ha uga tago xafiiskooda .
Tell: 4228940,
4099221
