Sunday, June 21, 2015

Muxuu yahay dheeraadka ay inoo qabteen ?


Muxuu yahay dheeraadka ay inoo qabteen ?
Qof kasta oo aduunka guudkiisa ku nool ha noqdo gaal ,islaam ,rag ,  dumar,yar,wayn,jaahil amaba aqoon leh. Waxa uu leeyahay  miqiyaas rabaani ah oo ilaahay ku galadaystay si uu ugu kala garto saxa iyo qaladka ama xumaanta iyo wanaaga  inana waxa uun aynu ka mid nahay umadahaasi .
Sidaa daraadeed waxa aan maanta qalinka u qaatay inaan fikirkayga qof ahaaneed amaba shakhsiyeed ku cabiro arin waayahanba maskaxdayda ka guuxaysay hase ahaatee ilaahay subxaana watacaalaa koreeye aanu ii suurta gelin odhaahdeeda iyo qoraalkeeda toona balse ay maanta sugnaatay .
ARRIN! Qof kasta oo akhriya maqaalkan ama maqla oo looga sheekeeya waxa uu is weydiinayaa waxa ay  tahay arintaasi ma amaanbaa , ma dhaliilbaa ,ma ducaa, ma habaarbaa(hareerahayga) ma khayrbaa, ma sharbaa(na cuudu bilaahi). Hadaa waa maxay ? bal adba .
ka dib malaawaal maskax bini aadam hadba meel u malayn waxa uu qof walba heleyaa natiijada saxda ah ee ulajeedada maqaalkan oo ah inaan wax ka idhaahdo hab dhaqanka iyo tacamuulka xukuumadadihii ina soo maray mudadii uu qarankani xornimadiisa dib ula soo nodqday oo gaadhaysa 23sano ah oo waafaqsan 18/may/ 1991, Gaar ahaan labadii xukuumadood ee u danbeeyey oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne mudane daahir rayaale kaahin iyo madaxweynaha haatan talada haya ee mudane axmed maxamed maxamuud siilanyo oo ah inata aan ogaalkay , garashadayda ama dadaydu gaadhayso .aniga oo inyar is dul taagi doona hab dhaqanka xukuumada haatan talada haysa oo inta badan dadku imika wada garanayaan xusuustooda haatan ku weynatahay balse dad badan quluubtooda ay ku xardhanatahay xusuuta xukuumadadihii hore .
Intaa ka dib waxaan wax ka odhan doonaa kolay noole ilaahay abuuray oo dhami wax tar buu leeyahay hanoqdo mid badan amaba mid yare, waayo waayo soomalidii hore way maahmaahi jireen oo waa kuwa yidhi (rag wax ma tare ma leh wax yar tare mooyee) . Oo dee aboorbaa dundumo dhisa oo waliba candhuuftiisa ku dhisa.
 sidaa daradeed horta tu kastaa waxbay qabatay habadiso ama ha yareysee balse waxa nasiib daro ah markasta waxa dhagaheena iyo indhaheenaba ka badatay masuuliyiin badan oo ku faanaya shaqadooda iyagoo leh kanaan qabtay iyo kanaan qabtay .
! waa maxay tolow dheeraadka ay inoo                 qabteen? Maxay inagaga mushahar iyo magacba qaataan? cajebay cajiibey carigani waali badanaa, waxa aynu bilo ka joognaa maalintii ay xukuumadu soo bandhigtay wax qabadka sanadoodii afraad iyadoo ay soo bandhigeen wax qabad badan balse wax qabadkooda dhaliilo badani dul hoganayaan waxa  aan midh midh isu dul taagi doonaa dhaliilaha cad ee xukuumada haatan talada haysa ku dhaliilayno hadaanu nahay da’yarta Somaliland .
 Kow aan ka idhaahdo (ileen wax la raajaa rag kuma samee) aniga oo soo qaadi doona intii ay ku faaneen dhinacooda kale ee daaha la saaray .
Nabad galyada
Sida aynu la wada socono waxa ay xukuumadu ku faantay inay wax ka qabatay nabad galyada balse ay tahay been abuur waayo nabad galyada xukuumada siilaanyo horteed waynu haysanay imikana haysanaa rejeynaynaa inaynu haysan doono hadii eebe idmo.
 balse xukuumadu may ilowday inay tahay xukuumadii u horeysay ee xuduudkeeda ka soo dagaan jabhad wadan ka dagaalanta si toosana ay u dhex maraan iyadoo wadankaana ay cilaaqaad fiicani naga dhaxeeyo ha noqoto mid bulsho , dhaqaale iyo siyaasadeedba .
Inay tahay xukuumda kaliya ee suurta galisay habdhaqankii kali taliskii maxamed siyaad bare ee ahaa cabudhinta xoriyatul qawlka, saxaafada iyo siyaasada .
Waxbarashada
Waa run xukuumadu waxa ay bilaash ka dhigtay waxbarashada dugsiyada hoose dhexe wallow  si dadban uun hadana loo qaado iyada oo loo magac bixiyey hadana waanu ogolnahay oo taa way ku amaananyihiin.
 Balse xukuumadu waxa ay indhaha ka qarsataa marka ay hadlayaan heerka tayada waxbarashada dalka ee min dugsi hoose dhexe ilaa jaamad, ma tahay waxbarshada dalka lagu hayaa mid ilaa heerkan lagu faani karo  ( ileen tiro waxba ma tartee tayaa wax tarta ) waayo waxa marag ma doona hoos u dhaca wax barashada iyo habka maamulka jaamacada hargeisa iyada oo ay ragadisay qabyaalad iyo maamul xumo kow ka tahay xukuumadu, iska daba dhaca dugsiyada gaarka loo leeyahay, hoos udhaca dugsiyada dawliga ah oo ay kormareen goobaha ganacsiga ama private schools  iyada oo tasi jirto waxa nasiib daro ah in xukuumadu dhamaanteed ku faanto sanad kasta waxaanu bilaash ka dhignay waxbarashada
Caafimaadka
Aniga ogaalkay waxa uun dalka ku soo hadhay oo caafimaad ka baadha dadka jeebku gabay oo keliya wallow ay jiraan dhaakhaatiir gaar loo leeyahay oo ay tayadoodu wanaagsan tahay taana waan la goyn karayn bal aan dhaafno hargeisa iyo magaalo madaxyada wadanka oo aan tagno tuulooyinka iyo miiyada wax aad arki wax aanad arki karayn oo ay indhahaagu aragiisa diidayaan,  wax aanad maqli karayn oo dhagahaagu maqalkiisa diidayaan oo ah gabadh la leeyehay way isku go’day way dhiig baxaday nafaqo daro ayaa dishay  iyagoo aan heleyn guud ahaanba adeeg caafimaad ha yaraado ama ha badnaadee hadaba dadkaa yaa ka masuula?.
Dhaqaalaha
   Dhaqaaluhu waa laf dhabarta wadanka horumarkastaana waxa uu ku xidhanyahay isaga hadaba ma muuqaataa xukuumad kobcisay amaba kor u qaaday dhaqaalaha wadanka aniga iyo in badan oo umada ka mida ahna dadka aan ku tacaluqin kuna dhex milmin siyaasada waxa aan qabaa in xukuumadani ay tahay mid umada u kala qaybisay  dabaqado. . Waayo waxa aad magaalada hargeisa ku arkaysaa dad ku nool maalintii wax ka yar 20,000  sl sh iyo qaar ku nool in ka badan 20$ dollar waa nolol maalmeedkee. Waxa iga su,aala dadyahaw yaa ka masuula noloshan ku salaysan dollarka ?

 Dhalinyarada
Sida aynu la wad socono dhalinyarada wadanku waa 70% waana udub dhaxaaadka qaranka ,dhaxalsugayaasha beritoole hogaanka mustaqbalka,aabaha iyo hooyada beri waxaanay u baahanyihiin in la kobciyo la koriyo maskaxdooda iyo muruqoodaba. Taa daa hadalkeeda oo waxa manta muuqata rajo dhigista manta da’yrtu ka rejo dhigtay ku noolaanshaha wadanka iyag oo guud ahaanba u cararaya wadamada galbeedka  sidii ay u raadsan lahaayeen nolol noloshan dhaanta iyagoo ku andacoonaya shalay dhaantay mooye inaanay jirin maantay dhaantaa .
Guntii iyo gabo gabadii qoraalka  waxa aan ku soo afmeerayaa tix gabaya oo uu tiriyey mid ka mid ah abwaanadeena dalka waa hadraawiye oo aan jeclaystay sida hufan qurxoon ee ay u tilmaamayso siyaasiyiinta. Maansadan oo la yidhaa xayaab.




Maansadu xayaab weeyi
Xadhig lama sitaan weeyi
Kolna xoorka geel weeyi
Dhay xalowsigeed weeyi
Murtidayda xadi maayo
Nina xeer u dhigan maayo
Xumaantana ma qarinaayo
Madaxnimo xurmaynteeda
Xushmadiyo wanaageeda
Hadii lagugu xayndaabo
Xukunkana laguu dhiibo
Xilku maaha xaabxaabsi
Xabad iyo dagaal maaha
Xaqa laal xabaal maaha
Dulmigana xanbaar maaha
Xuluulayso keli maaha
Xabagtana ka sii gooso
Daar xaradh leh ku xisaabtan
Iyo moodhar xiimaya
Xidhmo qaada soo qaado
Xulafana dabadeed yeelo
Iyo koox xayaysiis ah
Qabiil xero u ood maaha
Inta xunxun xurquun maaha
Inta kalana xoor maaha
Xeedhada sal dhaw maaha
Xaab xaabka leef maaha
Kuwii hore xujee maaha
Adiguna ha xeel dhaamin
Kursiguun xasili maahaa
 Yaan nin kale xoogtayn maaha
Kaligaa xagee maaha
Sharcigana xasee maaha
Xilku maaha ku xafiiltan
Xuurtada ku hay maaha
Xasuuqii ilow maaha
Waliba sii xag xago maaha
Xoriyada cabudhi maaha
Xabsiga u taxaab maaha
Xilku maaha xagaansi
Dhaxal kuu xasilay maaha
Xoolihii aabahaa maaha
Xilkan waa laguu dhiibtay
Xoolahan dadwaynaa leh
Xaasas iyo agoomaa leh
Jabhadii xoraysaa leh
Odayaal xaroo baa leh
Islaamahan xashoo baa leh
Sabi xayn ku jira baa leh
Curyaankaa xamaartaa leh
Xujaaj iyo wadaadaa leh
Haweenkaa xusbinayaa leh
Xoolaha ka raacaa leh
Ka xashiishka gurayaa leh
Shaqaalaha kan xoodmaa leh
Askari gaadh ku xiiqaa leh
Caaqil duub ku xidhan baa leh
Umad xogo daran baa leh
Ninkaan nagu xurmaynaynin
Xadayee xad dhaafaaya
Inuu xoogay moodaaya
Waa in laga xayuubshaa
Xilka umada ha u dhigoo
Ha uga tago xafiiskooda .








Qalinkii :- Maxamed xasan muuse   Email:- Mohamed.hass01@hotmail.com  calaydh1989@hotmail.com
Tell:  4228940, 4099221  

Qarykaa alle kaa reeb ma ducaa mise waa habaar ? bal adba


Qarykaa alle kaa reeb ma ducaa mise waa habaar ? bal adba
Mahad illaahay baa ay dhamaan teed u sugnaatay,koreeye ,inaga dhigay dad islaam ah ku nool dal amni ah . intaa ka dib dadyaw kasta oo caalamka guudkiisa ku nool islaam,gaal iyo cawaanba waxa ay leeyihiin  dhaqano iyo cadooyin u gaara oo ay ka soo gaadheen amaba ay ka dhaxleen awoowyaashood ,sidaas oo kale inana  waxa aynu leenahay dhaqano iyo caadooyin hor leh oo aan tiro lagu sookoobi Karin dhinac kasta oo aad nolasha ka eegto ,balse waayadan danbe waxa aad moodaa inay sii gudhayaan dhamaan dhaqanadii iyo hidihii aynu kusoo dhaqnayanay intii ay noolaynba amaba aynu soo jirnay ,iyada oo aanaya ilaa hada cadayn sababta tooska ah ee keentay guud ahaanba in laga guuro dhaxalkii awooowyaasheen una guurno dhalanteed aduunyo .
Hadaba sabab kasta oo keentay ha jirtee waxa aan saaka qalinka u qaatay inaan ka ga dhawaajiyo u jeedada ka danbaysa in aynu ka weecano waxa ay nu xaq ulahayn una guurno wax aynaan xaq ula hayn.
bal ufiirso shalay ahayd waxa lagu faano xoolaha nooli sida geela, lo’da iyo adhiga,gamaanka ,beeraha iyo guud ahaanba nolasha miyigu.
Bal u fiirso shalay ahayd waxa lagu faano deegaanka aad dagantahay amaba aad ka soo jeedo,
Bal u fiirso shalay ahayd wax lagu faano shaqada uu qofku hayo ,oo ma shaqayste ama matabcaduhu ceeb ahaa .
Bal u fiirso shalay ahayd waqti lagu faano midabka iyo samayska ilaahay oo aanu jirin saluug naf ahaaneed ,
Waxa badalay kuwii hore kuwan soo socda ee bal ila eega oo u fiirsada caqligii wanaagsani I taal inoo ka roon yahay bal eegoo u fiirsada.
Makula tahay waxa laga faano waxa aynu dhaqaale be u haysano oo ah xoolaha nool iyo miyiga lagu dhaqo oo aynu cayno midh midhka inoogu hadhay ee cagtiisu kusii joogta kuna nidhaa erayo iyo halku dhigyo ay ka mid yihiin badow,geel jire sacmaal,cabdi iyo hal haysyo faro badan oo kale
Ma kula tahay waxa laga faano halka aad ab iyo isir ahaan ka soo jeedno (miyiga) oo laysu gu soo ururo magaalooyinka oo cid waliba sheegato
Ma kulatahay wax lagu faano fadhi ku dirir ,afku xoogle ,afmiishaar iyo shaxaad  oo aad ka door bido muruqaaqa iyo maskaxdaada oo xor iyo xalaal ah .
 Midabka midabka akhtar jabiska maariin dhalaal xiga ma wax laga faanaa ?
Isku soo wada duuduuboo ha ulan wax aanada lahayn, hadaba maxaa ay tahay u jeedada ka danbaysa in la xooro dhaqankeena iyo hidaheena ,waxa marag madoona in ujeedada ugu wayni tahay ilbaxnimo la iska baadhayo oo laga raadinayo meel aan ilbaxnimada sal u ahayn.
Ogobay garo waa kii abwaanka wayn ee caanka ahi  Mohamed ibraahin warsame( hadraawi) hore u yidhi :-
Ilbaxnimadu saas maaha
Hadba suuf karkaro maaha
Sararaha ba nee maaha
Qorqor suniyaha maaha
Dhabanada sibaaq maaha
Sanka oo la mudo maaha
Sakhrada iyo xashiish maaha
Sawir iyo riyaaq maaha
Filim iyo sarcaad maaha
Saxan reer galbeed maaha
Kabo sookal dheer maaha
Suur iyo durduur maaha
Salsalow cidkale maaha
Qof siloon ku dayo maaha
wax sawaaba noqo maaha
sinta iyo lafaha duudka sadex goor jajabi maaha
dhaqankaaga saydh maaha
soomaali diid maaha
sidaad doonto yeel maaha
dhulka oon ku sidi waayin samadoo la koro maaha 
gebo gebo
guntii iyo gebo gabadii iyo gunaanadkii qoraalku waxa uu idin farayaa ( lama huraan  waa caws jiilaal)
ee yaan lagu lug gu’in dhalaalka magaalooyinka iyo dhaqanada galbeedka ee si loon oo hal is daba qabateeyo cagtana haloo yara dhigo.
deeganka
ninba waxa uu ku taamaa
 ama hees ka tiriyaa
 tixo gabay kusheegaa
 halka lagu talaalee  
hawadiisu taalee
uurkiisu tabayaa
 si guud
hido maxaad ku dhaqantaa ?
hanti maxaad  ku leedaha?
Hub maxaad ka sidaataa?
Aduunyadu hir weeyee
Maxaad haabanaysaaa?
Maxaad haybinaysaa?
Nin ragi waa yaqaan nacasna loo sheegi maayo


Waa ku mahadasantihiin aqriskiina



Qalinkii: Mohamed Hassan mouse senior student at university of Hargeisa
Cell phone: 4222836 ama 4228940 telsom  9127521 somtel

Email: calaydh1989@hotmail.com

Kud ka guur oo qanjo uguur


 Kud ka guur oo qanjo uguur
Bismilah , maan jeclayn inaan wax ka qoro arimaha siyaasada ka sokow kuwa bulshada balse waxa aan ka adkaysan kari waayey waxyaabaha waaqaca ah ee ka socda dalka oo aanu qaflad iska galinaynay aniga iyo inta kale ee ila fikirka ahba haatan se aan dan mooday inaan muujiyo fikirkayga qof ahaaneed .
Sidaa daraadeed horta wadanka aynu kunool nahay waa wadan yar oo curdin ah ,haysana aqoonsi caalani ah balse ilaahay ku galadaystay amni iyo horumar la taaban karo . haatan se aad moodo in uu gacanta ugalay kooxo qalafaysato ah oo aan lexejeclo hayaraato ama habadnaatee kaga jirin sii waaritaanka wadanka iyo horumarkiisa toona  kaliya danahooda gaarka ah mooyee . 
Bal aan kow ka idhaahdo qaladaadka baahsan ee qoloba qoloda kale kaga eryanayso /kicisanayso kursiga sida aynu la wada socono shalay ahayd mudane madaxwayne markii aad ku doodayseen amaba ku andacoonayseen dushana dhaliil ahaan ugaga tuurayseen xukuumadii idinka horaysay ee madaxwayne mudane Daahir Rayaale Kaahin qodobada ay ka midka yihiin  askarbaa baarlamaankii JS la soo dhoobay ,xildhibaanadu xasaanad bay leeyihiin ,rasaasbaa dad shacaba oo dareenkooda si salmi ah u muujinaya loo adeegsaday ,saxaafadii baa la cabudhiyey ,xoriyatul qawlkii baa laga hor yimid,xildhibaanaa la iibsadaa oo guryaha loogu gudaaa,hantidii dawlada ayaa na loo adeegsanayaa,guryihii dawlada ayaa la iibiyey lacagtuna jeeb kale ayey ku dhacdaa,mashaariicda maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ha la soo mariyo baarlamaanka  iyo waliba qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin waxa ay ka midyihiin waxayaabaha aad ku dhaliilayseen xukuumadii hore idinku haatan ku dhaliilantihiin , sidaa la ajligeed waxa aan idin su’aalnay mdaxda xukuumadahaw waxa marka aad mucaaradka tihiina qaladka ka dhiga marka aad xukunka qabsataana sax ka dhiga .
Ma waxa weeyi la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan .
Xisbiyda mucaaradka ah khaasatan xisbiga wadani iyo gudoomiyha baarlamaanka mudane ciro waxa aan leeyahay mudane gudoomiye waa maxay waxa qaldan ee aad imika oo aad tahay gudoomiyihii baarlamaanka JS aad sixi laa dihiin ee aad saxayso markaad madaxwayne noqoto?
Waa ayo se xukuuumada aad dhaliilayso miyaanad ka mid ahayn masuuliyiinta qaran ahan ugu saraysa ? dhaliisha iyo ceebaha se miyaanad la qabin ?
Goormay se xaaraan noqotay mudu kurdhin loo sameeyo xukuumad iyada oo aad ku fadhido kursi mudo kordhintiisu  marayso 4 sano oo dheeraad ah .
Waxa aan ku soo afmeerayaa hadal nin badiyey ma wada odhan nin gaabiyey waxba kama tagin
 Waxii la sii qod qodana qudhunbaa loogu dhaadhacaaye  ee sidan aad wadaan isku kiin soo wada duuboo waa KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR

Qalinkii : Mohamed Hassan mouse
Phone: 063-4228940


Hadaad xoog wayday ma xeelad baad wayday



Hadaad xoog wayday ma xeelad baad wayday
Bismilah, bilowga magaca eebe ka bacdi  waxa aan mahad u celinayaa dhamaan bulsha waynta s/land gaar ahaan dadka ku nool xeebaha oo aynan manrna abaalkooda gudi Karin .
Maanta oo ay tariikhdu tahay 11/11/2103, maalin isniin  ah waxa maankayga iyo maskaxdayda ku soo dhacday arin aan baryahanba ku hami jiray inaan mar uun wax ka idhaa waayo maah maah caana baa ahayd  ( waxa uurkaaga ku jira ayaa uu afku kaa xadaa) .
Hadaba waxa qof wal oo akhriya maqaalkani is waydiinayaa toloow waa maxay waxaasi ,aan daboolka ka qaado ileen wax la raajiyaa rag kuma samee . waa arin guud ahaan iyo gaar haanba nolosha bini aadamka bilow u ah waana in uu qofku amaba bulshooyinku xaqiiqsadaan nafahooda isaga /iyaga oo ka fikiraya dantiisa amaba doontada caamka ah .waxa uun aan ula jeedaa dhamaanteen in aynu xaqiiqsano nafaheena aniga oo ka duulaya mid ka mid ah tiirarka ugu waawayn ee guud ahaan iyo gaar ahaanba bulshooyinka caalamku ku horumareen waana in aynu horta ogaano maxaa aynu khyaraad haydsanaa .
Bulsho kasta oo aduunka guudkiisa ku nool ilaahay subxaanahoo watacaalaa waxa uu siiyey khayraad dabiici ah iyo waliba ku dad samee ah hadaba inana waxa aynu ka midnahay bulshooyinkaas ,
Sidaa daraadeed waxa aan maanta qalinka u qaatay inaan wax inaga tusiyo midka mid ah boqolaalka kun ee khyaraadka rabigeen inagu nimcaystay waana nimcada bada iyo khyraadka ku dhex nool iyada dhexdeeda , xeebta badeenu waxa ay ka mid tahay xeebaha ugu dhaadheer afrika waxaana dhererkeeda lagu qiyaasaa    3000myl  ,xeebtan dheeri waxa ay u qaybsantaa laba qaybood oo kala ah badwaynta hindiya ( Indian ocean ) iyo bada gacanka cadmeed ( golf of aden)  waxaanay labada biyood ku kulmaan raas casayr ( cape of gardafuu) guud ahaan badu waxa ay fidasan tahay laga bilaabo lawyacado ilaa raaskaambooni.
Hadaba badani waxa ay leedahay nimcooyin iyo khayraad aad u farao badan waxaana la sheegaa inay ku jiraan in ka badan ilaa 16000 oo jinsi ( species ) oo noole  badeed kala duwan ah kuwaas oo loo isticmaali karo noocyo badan oo cuntooyinka nafaqada leh ka mid ah , badani waxa kale oo ay leedahay macdano iyo meelo faro badn oo loo dalxiis tago sida batalaale ,jasiirada sacaadadiin iyo                                         .
Intaa ka dib aan u imaada mid ka mid ah khayraadka bada ku jira waa kaluunkee  waagii hore khyaraadka badahu waxa uu door wayn ka ciyaari jiray dhaqaalaha dalka waxaana lagu qiayaasi jiray kaluunka laga soo saari karo bada iyada oo aan waxba la yeelayn ilaa 80,000 oo mitrik tan .hadana waxa laga faaiidaystaa oo kaliyaata in ka yar 8000 oo mitrik tan iyada oo ay sabab u tahay qalab la’aan aqoon xirfadeed oo aan jirin iyo maal galin ku filan oo aan la helin . nasiibdaro se iyada oo taasi jirto ayaa aanay hadana jirin in lagu talo galo barashada aqoonta badaha iyo khayraadkooda ,xirfada kaluumaysiga iyo waliba xeerarka caalamiga ah .


Waxa aan maarkan isku dayi doonaa inaan wax ka tilamaamo noocyda kaluunka ee u baahan in laga faaiidaysto waxaana ka mid ah
Taraaqad,Tebedin,Qashaar,Tartabo,Carabo,Shooli,Sucbaan,,Gaduudo,Gaangish,Daanbiri,Gaxash, Aargoosato,Samaduul,manguungi,Seeseeman,Shiiraan,Caydi,Cangabo,Jeedar,Fangalaato,Caanood, Cawar, Caalo,Yaaquuri.
Gebo gabo
Guntii iyo gabo gabdii iyo gunaanadkii  qoraalku waxa uu ina faryaa:-
1.       in la dhiirigaliyo kaluumaysatada hada jirta
2.       in dhalinyarada suuqa ku shaqada la loo jiheeyo xirfadaha bada iyo kauumaysiga
3.       in la dhiso macaahid lagu barto culuiumta badaha
4.       in dawladu dhiiri galiso maal gashiga gaarka ah ee ganacsatada wadaniga ah iyo kuwa shisheeye
5.       in dawladu dajiso xeerar iyo shuruuc  badaha laga ilaalinayo xaalufka iyo wasakhawga
6.       in la sameeyo iskaashatooyin kaluumaysi
7.       in kaluunka loo sameeyo saylada iyo kawaano lagu qalo
8.       in la badi wax soo saarka kaullka si loo helo kaulln qiimo jaban
9.       waa in cunida kaluunka iyo faaiidooyinkiisa lagu wacyigaliyaa bulshada si uu dalabkii u bato
10.   waa inuu jiraa qorshe isku xidhaya soo saaraidiisa ilaa qoyska
11.   waa in si joogto ah looga helaa suuqa oo aanay dhicin in uu kala go ku yimaado
12.   waa in bulshada loo tababaraa habka kaluumaysiga ee badaha




wabilaahi tawfiiq                                                                                                      
waa qalinkii Mohamed Hassan mouse  ( tuur )
Tell: 0252-2-063-4228940     or 0252-2-063-4099221



Waraaq furan oo ku socota madaxwaynaha JSL

Waraaq furan oo ku socota madaxwaynaha JSL
Hadii aan sal saluugu ama aan sixi waayo saamiciinta I maqlaysaay I su’aala hadhawto.
27-07-2010 waxa ay ahayd maalintii aad madaxwayne xilka sida tooska ugala wareegtay madaxwaynihii xilka kaaga horeeyey ee daahir rayaale kaahin , adiga oo bilaabay dardartii madaxwaynenimo qalikana u qaatay sidii aad dhidibada ugu taagi lahayd,u bilaabi lahayd amaba aad kow ka odhan lahayd balanqaadyadii aad sideeda sano soo balanqaadayseen ka xisbi ahaan iyo ka madaxwayne ahaan ee ka midka ahaayeen
1.       Soo dhisida dawlada tiro yar oo tayo badan
2.       Kor uqaadida dhaqaalaha dalka
3.       Ka midho dhalinta hamigii 20 sano shacabwaynaha soomaaliland ku hamiyiyeen ee ah inay mar uun beesha caalamka ka mid noqdaan
Iyo qaar kaloo badan oo ku xusan buugii uu xisbiga kulmiye olalaha doorashada ku galay ee aad ku qorteen waxqabadka dawlada haatan ee aad adigu madaxwaynaha ka tahay
Hadaba waxa aan wax la iloobi karo ahayn tahayna in mudnaantiisa lasiiyo hal shay oo bulshada s\land ku dhaqan tabayaan oo ah xil aad ka dhawaajisay aadna ugu wada riyaaqeen caalim iyo caamaba oo ah inaad magacawday masuul kuu qaabilsan sakada iyo soo ururinteeda oo ka mid ahaa raxanihii wasiirada,agaasimeyaasha ,gudoomiyeyaasha iyo xoghayeyaasha isugu jiray ee aad magacawday tan iyo intii aad xilka aad haysay oo haatan laga joogo 2sano,Balse haatan aan ka dhex muuqan masuuliyiinta dawlada ee haatan shaqeeya 
Hadaba waxa ay bulshada soomaaliland ku dhaqan gudo iyo dibadba,caama iyo caalimba is waydiianayaan waxa ku dhacay xilkaas oo ahaa ka guud ahaan iyo gaar haan ina anfici lahaa if iyo aakhiroba hadii sidiisa loo fuliyo .
Intaa ka dib mudane mdaxwayne horta waxaad tahay masuulkii ugu horeeyay ee xilkan oo kale magacaaba amaba bilaaba shaqadan amaba xilkan oo ah tiir ka mid ah tiirarka ugu waa wayn dawladaha islaamka ah aniga ogaalkay laakiin  bilaabitaankaagu mawaxa uu ku eekaa oo kaliyaata
1.       Inaad ka dhabayso maahmaahdii soomaalida ee ahayd waxba haw qaban ee qawda maqashii inleen waa tii tu kale ahayd soomalidu been waysheegtaa laakiin been ma maahmaahdo
2.       Inaad iska jeediso indha shacabkii ku doortay aa aad kuugu fiirsanaya kaana sugaya  waxa aad ugu abaal gudayso
Mise mudane ujeedad kaalinta muhiinka looga dhexwaayey masuuliyiinta haatana kula shaqeeyaa waa
1.       Waxa aad shacabwaynaha JSL ka dhex wayda qof u qalma kaalintaa marka laga reebo sheekhii hore ee ka cudur daartay
2.       Mise dadkaa hore u agaran waayey oo waad lanoqotay inlaan waa xil hore oo aan jirine
3.       Mise waad soowadaa oo waanu kaa dagdagnay inkastoo waxla raajiyaa rag ku samayn
Gebagabo
Mudane madaxwayne horta xilkaa aad qaaday ilaahay haguu fudaydiyo nin xil qaaday eed qaadaye.
Mudane madaxwayne aniga oo ku hadlayo magaca cidkastoo danta caamka ah jecel danaynaysan jiritaanka s\land isku daya inay tilmaan saliim ku kor dhinayaan masuuliyiinta ay xilka ay u dhiibtaan waxa aanu si sharaf, naxariis, ixtiraam iyo waliba qdirin ku jirto kaaga codsanaynaa in aad marlabaad iyo sadaexaadba soo magacawdo kaalintaa amaba jagadaa aad marka hore magacawday ee uu ka cudurdaartay sheekhii ama masuulkii aad jagadaa u dooratay
Wabilaahi tawfiiq                                                                   
Waa qalinkii  Mohamed Hassan mouse                                senior students at university of hargeisa

Tell: 4228940                              E-mail: Mohamed.hass01@hotmail.com