Sunday, June 21, 2015

Muxuu yahay dheeraadka ay inoo qabteen ?


Muxuu yahay dheeraadka ay inoo qabteen ?
Qof kasta oo aduunka guudkiisa ku nool ha noqdo gaal ,islaam ,rag ,  dumar,yar,wayn,jaahil amaba aqoon leh. Waxa uu leeyahay  miqiyaas rabaani ah oo ilaahay ku galadaystay si uu ugu kala garto saxa iyo qaladka ama xumaanta iyo wanaaga  inana waxa uun aynu ka mid nahay umadahaasi .
Sidaa daraadeed waxa aan maanta qalinka u qaatay inaan fikirkayga qof ahaaneed amaba shakhsiyeed ku cabiro arin waayahanba maskaxdayda ka guuxaysay hase ahaatee ilaahay subxaana watacaalaa koreeye aanu ii suurta gelin odhaahdeeda iyo qoraalkeeda toona balse ay maanta sugnaatay .
ARRIN! Qof kasta oo akhriya maqaalkan ama maqla oo looga sheekeeya waxa uu is weydiinayaa waxa ay  tahay arintaasi ma amaanbaa , ma dhaliilbaa ,ma ducaa, ma habaarbaa(hareerahayga) ma khayrbaa, ma sharbaa(na cuudu bilaahi). Hadaa waa maxay ? bal adba .
ka dib malaawaal maskax bini aadam hadba meel u malayn waxa uu qof walba heleyaa natiijada saxda ah ee ulajeedada maqaalkan oo ah inaan wax ka idhaahdo hab dhaqanka iyo tacamuulka xukuumadadihii ina soo maray mudadii uu qarankani xornimadiisa dib ula soo nodqday oo gaadhaysa 23sano ah oo waafaqsan 18/may/ 1991, Gaar ahaan labadii xukuumadood ee u danbeeyey oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne mudane daahir rayaale kaahin iyo madaxweynaha haatan talada haya ee mudane axmed maxamed maxamuud siilanyo oo ah inata aan ogaalkay , garashadayda ama dadaydu gaadhayso .aniga oo inyar is dul taagi doona hab dhaqanka xukuumada haatan talada haysa oo inta badan dadku imika wada garanayaan xusuustooda haatan ku weynatahay balse dad badan quluubtooda ay ku xardhanatahay xusuuta xukuumadadihii hore .
Intaa ka dib waxaan wax ka odhan doonaa kolay noole ilaahay abuuray oo dhami wax tar buu leeyahay hanoqdo mid badan amaba mid yare, waayo waayo soomalidii hore way maahmaahi jireen oo waa kuwa yidhi (rag wax ma tare ma leh wax yar tare mooyee) . Oo dee aboorbaa dundumo dhisa oo waliba candhuuftiisa ku dhisa.
 sidaa daradeed horta tu kastaa waxbay qabatay habadiso ama ha yareysee balse waxa nasiib daro ah markasta waxa dhagaheena iyo indhaheenaba ka badatay masuuliyiin badan oo ku faanaya shaqadooda iyagoo leh kanaan qabtay iyo kanaan qabtay .
! waa maxay tolow dheeraadka ay inoo                 qabteen? Maxay inagaga mushahar iyo magacba qaataan? cajebay cajiibey carigani waali badanaa, waxa aynu bilo ka joognaa maalintii ay xukuumadu soo bandhigtay wax qabadka sanadoodii afraad iyadoo ay soo bandhigeen wax qabad badan balse wax qabadkooda dhaliilo badani dul hoganayaan waxa  aan midh midh isu dul taagi doonaa dhaliilaha cad ee xukuumada haatan talada haysa ku dhaliilayno hadaanu nahay da’yarta Somaliland .
 Kow aan ka idhaahdo (ileen wax la raajaa rag kuma samee) aniga oo soo qaadi doona intii ay ku faaneen dhinacooda kale ee daaha la saaray .
Nabad galyada
Sida aynu la wada socono waxa ay xukuumadu ku faantay inay wax ka qabatay nabad galyada balse ay tahay been abuur waayo nabad galyada xukuumada siilaanyo horteed waynu haysanay imikana haysanaa rejeynaynaa inaynu haysan doono hadii eebe idmo.
 balse xukuumadu may ilowday inay tahay xukuumadii u horeysay ee xuduudkeeda ka soo dagaan jabhad wadan ka dagaalanta si toosana ay u dhex maraan iyadoo wadankaana ay cilaaqaad fiicani naga dhaxeeyo ha noqoto mid bulsho , dhaqaale iyo siyaasadeedba .
Inay tahay xukuumda kaliya ee suurta galisay habdhaqankii kali taliskii maxamed siyaad bare ee ahaa cabudhinta xoriyatul qawlka, saxaafada iyo siyaasada .
Waxbarashada
Waa run xukuumadu waxa ay bilaash ka dhigtay waxbarashada dugsiyada hoose dhexe wallow  si dadban uun hadana loo qaado iyada oo loo magac bixiyey hadana waanu ogolnahay oo taa way ku amaananyihiin.
 Balse xukuumadu waxa ay indhaha ka qarsataa marka ay hadlayaan heerka tayada waxbarashada dalka ee min dugsi hoose dhexe ilaa jaamad, ma tahay waxbarshada dalka lagu hayaa mid ilaa heerkan lagu faani karo  ( ileen tiro waxba ma tartee tayaa wax tarta ) waayo waxa marag ma doona hoos u dhaca wax barashada iyo habka maamulka jaamacada hargeisa iyada oo ay ragadisay qabyaalad iyo maamul xumo kow ka tahay xukuumadu, iska daba dhaca dugsiyada gaarka loo leeyahay, hoos udhaca dugsiyada dawliga ah oo ay kormareen goobaha ganacsiga ama private schools  iyada oo tasi jirto waxa nasiib daro ah in xukuumadu dhamaanteed ku faanto sanad kasta waxaanu bilaash ka dhignay waxbarashada
Caafimaadka
Aniga ogaalkay waxa uun dalka ku soo hadhay oo caafimaad ka baadha dadka jeebku gabay oo keliya wallow ay jiraan dhaakhaatiir gaar loo leeyahay oo ay tayadoodu wanaagsan tahay taana waan la goyn karayn bal aan dhaafno hargeisa iyo magaalo madaxyada wadanka oo aan tagno tuulooyinka iyo miiyada wax aad arki wax aanad arki karayn oo ay indhahaagu aragiisa diidayaan,  wax aanad maqli karayn oo dhagahaagu maqalkiisa diidayaan oo ah gabadh la leeyehay way isku go’day way dhiig baxaday nafaqo daro ayaa dishay  iyagoo aan heleyn guud ahaanba adeeg caafimaad ha yaraado ama ha badnaadee hadaba dadkaa yaa ka masuula?.
Dhaqaalaha
   Dhaqaaluhu waa laf dhabarta wadanka horumarkastaana waxa uu ku xidhanyahay isaga hadaba ma muuqaataa xukuumad kobcisay amaba kor u qaaday dhaqaalaha wadanka aniga iyo in badan oo umada ka mida ahna dadka aan ku tacaluqin kuna dhex milmin siyaasada waxa aan qabaa in xukuumadani ay tahay mid umada u kala qaybisay  dabaqado. . Waayo waxa aad magaalada hargeisa ku arkaysaa dad ku nool maalintii wax ka yar 20,000  sl sh iyo qaar ku nool in ka badan 20$ dollar waa nolol maalmeedkee. Waxa iga su,aala dadyahaw yaa ka masuula noloshan ku salaysan dollarka ?

 Dhalinyarada
Sida aynu la wad socono dhalinyarada wadanku waa 70% waana udub dhaxaaadka qaranka ,dhaxalsugayaasha beritoole hogaanka mustaqbalka,aabaha iyo hooyada beri waxaanay u baahanyihiin in la kobciyo la koriyo maskaxdooda iyo muruqoodaba. Taa daa hadalkeeda oo waxa manta muuqata rajo dhigista manta da’yrtu ka rejo dhigtay ku noolaanshaha wadanka iyag oo guud ahaanba u cararaya wadamada galbeedka  sidii ay u raadsan lahaayeen nolol noloshan dhaanta iyagoo ku andacoonaya shalay dhaantay mooye inaanay jirin maantay dhaantaa .
Guntii iyo gabo gabadii qoraalka  waxa aan ku soo afmeerayaa tix gabaya oo uu tiriyey mid ka mid ah abwaanadeena dalka waa hadraawiye oo aan jeclaystay sida hufan qurxoon ee ay u tilmaamayso siyaasiyiinta. Maansadan oo la yidhaa xayaab.




Maansadu xayaab weeyi
Xadhig lama sitaan weeyi
Kolna xoorka geel weeyi
Dhay xalowsigeed weeyi
Murtidayda xadi maayo
Nina xeer u dhigan maayo
Xumaantana ma qarinaayo
Madaxnimo xurmaynteeda
Xushmadiyo wanaageeda
Hadii lagugu xayndaabo
Xukunkana laguu dhiibo
Xilku maaha xaabxaabsi
Xabad iyo dagaal maaha
Xaqa laal xabaal maaha
Dulmigana xanbaar maaha
Xuluulayso keli maaha
Xabagtana ka sii gooso
Daar xaradh leh ku xisaabtan
Iyo moodhar xiimaya
Xidhmo qaada soo qaado
Xulafana dabadeed yeelo
Iyo koox xayaysiis ah
Qabiil xero u ood maaha
Inta xunxun xurquun maaha
Inta kalana xoor maaha
Xeedhada sal dhaw maaha
Xaab xaabka leef maaha
Kuwii hore xujee maaha
Adiguna ha xeel dhaamin
Kursiguun xasili maahaa
 Yaan nin kale xoogtayn maaha
Kaligaa xagee maaha
Sharcigana xasee maaha
Xilku maaha ku xafiiltan
Xuurtada ku hay maaha
Xasuuqii ilow maaha
Waliba sii xag xago maaha
Xoriyada cabudhi maaha
Xabsiga u taxaab maaha
Xilku maaha xagaansi
Dhaxal kuu xasilay maaha
Xoolihii aabahaa maaha
Xilkan waa laguu dhiibtay
Xoolahan dadwaynaa leh
Xaasas iyo agoomaa leh
Jabhadii xoraysaa leh
Odayaal xaroo baa leh
Islaamahan xashoo baa leh
Sabi xayn ku jira baa leh
Curyaankaa xamaartaa leh
Xujaaj iyo wadaadaa leh
Haweenkaa xusbinayaa leh
Xoolaha ka raacaa leh
Ka xashiishka gurayaa leh
Shaqaalaha kan xoodmaa leh
Askari gaadh ku xiiqaa leh
Caaqil duub ku xidhan baa leh
Umad xogo daran baa leh
Ninkaan nagu xurmaynaynin
Xadayee xad dhaafaaya
Inuu xoogay moodaaya
Waa in laga xayuubshaa
Xilka umada ha u dhigoo
Ha uga tago xafiiskooda .








Qalinkii :- Maxamed xasan muuse   Email:- Mohamed.hass01@hotmail.com  calaydh1989@hotmail.com
Tell:  4228940, 4099221  

No comments:

Post a Comment