Monday, October 1, 2018


 Nolosha waa biyo
Alle swt Dhulka uu abuuray waxa uu Biyo ka dhigay in lagu qiyaasay 75%  taa macnaheedu waa in nolosha khalqi ku dhex abuurayna badideedu tahay Biyo iyada oo aa taasi jirto ayaa hadana waxa dhagaheena wax caadiya la noqdoy umad ka cabanaysa Biyo yaraan ama la’aanba.
 Silic saxariirkasta halagu helee hadana waa la cabi jiray balse manta waxaa soo soka maray wax waxiiba horaba kaga dhigay ka dar oo Dibi dhal waa korodhka Lacageed ee Biyaha ku kordhay. hadaba in Dadka dhaqaale xumida badani hayso hanaqoto shaqo la’aan baahsan ,sixir bararo ,adeeg caafimaad la’aan, Biyo yaraaan iyo badi dhamaan adeegyadii Bulshadu xaqa ugu lahayd Dawlada ay meesha ka maqanyihiin ayaan waxa soo dhacay Warar umadan gubanaysa Dabka ku sii huriyey oo sheegaya in Biyihii yaraa ee awal suququlka lagu cabijirayna la sii qaaliyeeyey qiima aad ugu qaali ah cidii aan tahli karayn  iyadan oo aan loo danaynay Dadka tamarta daran ee Dalka ku nool.
 Bal aan ku eegno caqli foyow koradhka qiimaha biyaha 1m3  awal waxa uu ahaa 9500 SLSH halka maanta laga dhigay 1m3 15000 SLSH waa dareemi  kartaa korordha lacageed ee ku kordhay 1m3  waana qiime dhan 5500SLSH oo u dhiganta  36.67%  .hadaba su’aasha u baahan in la is waydiiyo ayaa ah ma yihiin Biyihu kuwii la kordhin lahaa ? mase la kordhin lahaa xadiga intaa la’eeg? Waa su aal da waynoo madaxa  daalinaysee dadwaynahaa la waydiin
Aan u imaado maxaa maanta sababay in la kordhiyo qiimaha Biyaha ,ma jiro ilaa hada war rasmiya oo sheegaya  sababaha loo kordhiyey oo ka soo baxay xafiiska Mareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargeisa . balse waxa marag madoona in sidii waayadii hore marka la kordhinayo lagu andacoon jiray in ay odhan doonaan halhayso wax wanaagsan sheegaya balse barkuma taala oo ay ka mid yihiin dayactirka Mashiinada ,Ceelasha ,Dhuumaha Biyha  iyo Gaadhiidka qaada shidaalka Kobcinta mushaharka iyo gunada shaqaalaha .
Si kasta oo ay ahaataba haatan dhacday hadii ay suurto gasho in la kordhiyo qiimaha aasaasiyaadka nolosha sida Biyha iyo Meceeshada  waxa ay horseedi kartaa cawaaqib xumo soo waajahda dalkan Soomaaliland Dadkiisa  dhaxalsiisana mushkilaad horleh oo sababa  macaluul, xasilooni daro , dhac iyo boob iyo waliba in ay abuurmaan dabaqado nololeed oo aad u kala fog .
Guntii iyo gabo gabadii qoraalka waxa aan ku soo afmeeraya in la eego nolosha dadka jilicsan , danyarta ah , shaqo la’aantu hadhaysay ee aan la eegin kaliya fooqyda iyo gaadiidka cad cad ee magaalada dhex gooshaya  
 (Al raaximuuna yarxamahumu Raxmaaanu ) kuwa naxariista ayuu alle swt koreeye u naxariistaa.

Qalinkii Mohamed Hassan Muse
063-4099221
calaydh1989@gmail.com

Sunday, September 30, 2018



                                                                                                                                                30/09/2018
Siilaanyo VS Biixi
Badhtamihii sanadii 2010kii waxa doorashadii Dalkan JSL ka dhacdayk ku guulaystay Madaxweynihii hore SL mudane Axmed  Maxamed Maxamuud (siilaanyo)  taas oo uu helay 51%  tirada dadkii codka dhiibtay halka labada xisbi ee UCID IYO UDUB ay heleen 49% tirada dadkii codka dhiibtay.

Madaxwayne Siilaanyo oo ahaa Siyaasi  in badan raajicinayey rajo badana ka qabay in uu mar uu gali doono Daarta Qasriga Madaxooyada ee looga arimiyo SL ayaa ka dhigay rajadii la dhawraa mar uun bay rumowdaa waxaanu la soo galay dar dar ,dhiiranaan iyo kolsooni badan.

Waxa uu bilaabay hirgalinta balanqaadyo boqolaal kor u dhaafay oo uu balan qaadayey xiligii uu ololoha doorashada ku jiray isaga oo ugu horeysiiyey soo dhisida Dawlad tiro yar oo tayo leh ,waxaanu ku guulaystay in uu keeno gole wasiiro oo ka kooban kuwii xukuumadahii ka horeeyey soo dhisi jireen ,

haba ka qaban lahaydee waxa uu dar dar galiyey golihiisii wasiirada waxa aanay u holodeen wax qabkii shacabka iyo hirgalintaa balanqaadyadii madaxwaynaha waayo waa garbihii ay ku duulaysay xukuumado. Aan kaw ka idhaahdo waxqabadka dhabta ah ee la taaban karo ee ay qabteen mudadii sanadka iyo badhka ahayd ee ugu horaysay waxaana ka mid ah.

1)      Nabad galyda wax ka qabashda shaqaaqooyin dhawr ah oo ka Dhacay meelo ka mid ah dalka  sida kalshaale,Ceelbardaale,Yagoori iyo Seemaal
2)      Dhismaha kuliyda tabarbarka ciidanka qaranka.
3)      Dhaqaalaha korodhka miisaaniyada qaranka ee lagu hawl galay badina suurto galisay arimahan ayaa ahayd mid la kordhiyey 70%  ,
4)      Bixinta mushahar Shaqaale oo afar bilood ah oo ay ka tagtay Xukuumadii hore  
5)      Daabacaada Noodhadh ka mid ah SH SL sida 5000 iyo 1000,
6)      Badalaada lacagtii Giinbaarta ahayd  ee Gobalka Togdheer
7)      Waxbarashada  Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dawlada oo lacag laan laga dhigay.
8)      Doorashaooyinka  ga aan ka gaadhidii furashada Ururada Siyaasada iyo abuuridii Gudida diwaan galinta, ansixinta Axsaabta.
9)      Waxa uu Daaha ka fayday Dabarkii Da’da la isku sharaxi karo kaas oo caqabad ku ahaa Dhalinyarada waxaanu suurto galyey in ay Dhalinyaradu 25 jir isku soo sharixi karaan.
10)  Warfaafinta  baahinta TVga Qaranka oo la gaadhsiiyey wadamada  Yurub iyo Maraykanaka .
11)   Hirgalinta  Idaacada Bariga iyo badhtamaha Afrika wada gaadha oo Dalka la keenay


Ogsoonow akhriste ma aha afka aan kugu la hadlayaa afkii xukuumada ee guul wadaynta waayo maanta ma joogto oo ma aha mid talinaysay oo aan wax kaga doonayo  kuna darso oo waxa aan ka tagay  in aan wax ka soo bandhigo dhinacyada Caafimaadka , Xoolaha ,Cadaalada ,Biyaha ,Beeraha iyo Wadooyinka  taas oo aanan u hayn cadaymo cad oo muuqda bulshaduna ila hubin balse xukuumadu baahisay kuna dartay wax qabadyadeeda mudaada aan soo sheegay.


Ma aha wax qabadkii xukuumada Siilaanyo  mudadii sideeda sano ahayd ee ay xilka haysay balse aan ku xasuusiyee waa sanad iyo badhkii u horeeyey ee xukunka hadaba lix sano iyo badh  danbe maxaa laga filan karaa in ay fuliyaan ? ma aha ujeedka aan u socdaa taasi ee waa inaan is barbar dhigno Xukuumada haatan talada haysa ee gadh wadeenka ka yahay Mudane  Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi .

Waxay ahayd 13/12/2018 markii xilka loo dhaariyey Madaxweynaha haatan Mudane Biixi, 
Mdaxwayne Muuse siilaanyo wax uu kal sinaa Halganka , Mucaaaradnimada, Kulmiyenimada, Rajada Madaxtinimda , Balanqaadyada,  Riyooyinka gaadhista Yoolka fog , waxa uu cod ka badan kii Siilaanyo ku Guulaystay uu ku hantiyey Doorashada Madaxtinimada Dalka isaga oo ku guulaystay 55%  tirada  codadka la dhiibtay  halka Axsaabta Mucaaradka ahina isku helaan  45% tirade codadka la dhiibtay  waloow ay jirto kala qaybsanaan Bulsho oo ka dhalatay Doorashadii.

Si kastaba ha ahaaatee xabaal iy ninkeed loo kala tag ,Muusana loo dhiib, qalinka qaaday bilow qaar ka mid balan qaad yadiisii  waxaaanu soo dhisay xukuumada ka balaadhan tii Siilaanyihii xukunka ugu horeysay  soo dhisay , waxa haatan la marayaa mudo sanad ku  dhawaada  aniga aradtidayda wax la taaban karo oo aan ku amaano Xukuumadan uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Biixi kaliya waxa ii muuqda dhaqdhaqaaqyada ay ka midka yihiin:-

1)       Soo celinta Hantida Dawlada ee Gacmaha kale sida aan Sharciga waafaqsanayn ugu jirtay  sida Haamaha Shidaalka Barbara ,Amaanka Madaarka,iyo Baarkinka Madaarka.
2)      Soo celinta laabka baadha shidaalka  ee magaalada Barbara.
3)      Hirgalinta Taarikada cusub ee Gaadiidka .
4)      Wax ka qabashadii dirirtii Ceel Afwayn
5)      Wax ka qabashada dhinaca Beeraha iyada oo hirgalisay qorsheyaal hor leh oo ku aadan dhinaca wax soo saarka iyo tabaca Beeraha.
Haye kale ma jirto waa Aniga ogaalkay intaasi .
Run ahaantii Xukuumda haatan joogtaa waa ay ka Dhaqaale iyo Awood badan tahay taa hore, wax tarkana mooyi Idinka ayaa aan idiin daayey kaliya waxa ay Iga tahay  isbarbardhidhig,  qiimaynta se Adaa leh waana go’aankaaga shaqsiga ah.








WA BILAAHI TAWFIIQ



WQ: MAXAMED XASAN MUUSE
Tell: 063 4099221


Sunday, May 13, 2018

Somaaliland

Somaaliland Ingiriistii hortii
Bulsho reer Somaliland waxa ahaayeen bulsho reer miyi, waxa m/weyne ka ahaa suldaanka, waxa wasiiro ka ahaa caaqilada, waxa ciidan ka ahaa dhalinyarada. Wax sharci u ahaa xeerar xeerarkaasi oo ku salaysnaan  jirey duruufaha la xidhiidha noloshooda iyo hadba wixii la soo gudboonaada. Waxay ahaayeen xoolo dhaqato iyo reer-guuraa kolba meel u hayaama, oo aan lahayn dhul u gaar ah, waxay degi  jireen meeshii lagu sheego baad iyo biyo.

Soo galitaankii Ingiriiska ee Dhulka Soomaaliland

Beelahii daganaa Dhulka Somaliland waxa caado u ahaan jirtay colaado dhexdooda yaallay, oo ku salaysnaa geela  la kala dhaco, biyo iyo daaq lagu dagaalamo. Aanooyin Qabiil. Kolba beeshii tiro badan ayaa geela ka dhici jiray kuwa kale. Arrintaasi waxay u sahashay ingiriisku inu soo kala dhexgalo beelaha geela kala dhacaya. Markii dambe ayuu daraasad ku sameeyay, ka dib wuxuu taageero hiil iyo hoo u fidiyey beelahii geela xooga lagaga dhacayey. Ka dib beelihii qaar ayaa nasteex mooday taageeradii. Waana halka uu ka yimid fikirka “ qaybi oo xukun”. Waana tii soomaaliddu ka maahmaahday ee tidhi” yey is cunaysaa waraabe iskama celiso”.

Sida caadada u ah gumaystayaasha, markay doonayaan inay meel qabsadaan waxay marka hore diri jireen sahamiye soo darsa oo warbixin buuxda ka keena goobta la doonayo in la qabsado.

Sanadkii 1823 ayuu ingiriisku soo diray nin sahamiye ah oo la odhan jiray W.F.OWEN si uu darso xeebaha Somaliland ee kala ah: saylac, bulaxaar, berbera, maydh, xiis iyo laas qoray. ninkii sahamiya ahaa ayaa isticmaalay  qaabuu iska dhigayo nin ganacsade ah , oo doonaya inuu alaab ka iibsado magaalooyinka ku teedsan badda cas. Ka dib marka uu noqday ayuu warbixin dheer ka siiyay ingiriskii noloshaada iyo waayaha yaalla.

Ingiriiskii oo ka shidaal qaadanaya warbixintii wuxuu ku sheegay xeebaha soomaliland yihiin qaar la tagi karo, dadka ku noolina ay yihiin dad furfuran oo ganacsi lala yeelan karo .

Sanadkii 1825 ayuu ingriiskii  soo diray markab la odhon jiray mary oo ay saaran yihiin koox dad ah, kuna soo xidhay magaalada berbera , kadib dadkii oo ka diidsan cadaankan iska soo galay dalka ayay dagaal ku qaadeen halkaa dagaal xun ayaa ka dhacay aakhirkiina markabkii iyo kooxdii la socotay waa la laalay, kadibna waxaa lagu heshiiyay in beesha bixiso lacag  oo magdhow ah ooo dhan £6000 taasina waxay ku tusinasaa sida ay dadka reer somaliland  u necbaayeen dadka shisheeya ah e dalkooga iska soo gala , waxaa kale oo ingriiska ka yaaabisay markii habeen badh weerar lagu qaaday , si xuna dhaawac loogu gaystay ninkii la odhon jioray RECHARD .F BURTON oo ingriiska sahamiye u ahaa 1855 intaasi ka dib ingriisku wuxuu kau dhaqaaqay  inuu la heshiiyo dadka reer somaliland heshiisyo ganacsi  oo kooban. Heshiiskii u horeeyey ayaa la kala  saxeexday sanadkii 1857 waxaana kala saxeexday shirkad la odhon jiray EAST INDIAN COMPANY  iyo odhoyaal reer berbera ah
Mustacmarkii Engiriiska waxa uu si toosa u yimid xeebaha Somaliland 1884. Ingiriisku ayaa dhowr jeer heshiisyo kala duwan la saxeexday odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland

                 Heshiiskii Saamaha
Odayaashii ku noolaa deegaanada xeebaha dalka iyo dawladii ingiriiska waxa dhexmaray heshiis
Ay si wada jira u saxeexeen labada dhinac waxaanu ka koobnaa qodoba dhawra oo ay ka mid ahaayeen
  • In aanay dawlada ingiriisku iibin Karin , kirayn karin, hibayna Karin ,cid kale oo qabsatana u ogolaan Karin dhulka soomaaliland .
  • In dhamaan maraakiibta wadata calanka ingiriisku ay ka ganacsan karaaan xeebaha soomaaliland
  • In dadka uu maamulo ingiriisku ee imanaya dhulka soomaaliland ay helayaan nabad galyo buuxda
  • In si buuxda loo joojiyo ganacsiga adoomaha la soo marinayo dhulka soomaaliland
  • In wakiil ingiriisku u soo magacaabo dhulka soomaaliland loo la dhaqmo si xushmad iyo itiraam leh.
Qabiiladii deganaa xeebaha ee  heshiiskan saxeexay  waxay ahaayeen:
  • sacad-muuse) nuux ismaciil—14 juulay 1884 waxa berbera ku saxeexay 29 oday.
  • Sacad-muuse) reer gadiid, reer Shirdoon, Makaahiil, Cismaano  iyo Cabdalle Sacad=10 juulay 1884 waxa Bulloxaar ku saxeexay 35 oday
  • Habar-Toljecle) uduruxmiin=26 diisamber 1884 karin iyo xiis waxa ku saxeexay 39 oday.
  • Ciise iyo gudabuursi) mamaasan iyo maxamed case=11 diisamber 1884 waxa saylac ku saxeexay 33 oday.
  • Habar-yoonis) muuse carro—-3 jeenaweri 1885 waxa maydh ku saxeexay 19 oday.
  • Warsangeli) bah-majeerteen=27 jeenaweri 1886 waxa laas-qoray ku saxeexay 17 oday.
Dhinaca ingiriiska waxa heshiiska u saxeexay wakiilkooda Frederick meyer Hunter.

Fiiro-gaar ah: qabiilooyinka halkan ka maqani may lahayn dekedo u gaar ah oo ay maamulaan, balse waxay degi jireen dhulka ka baxsan xeebah.


Markii dawlada ingiriisku ka faraxalatay heshiisyadii saamaha, ayuu ingiriisku dhawaaqay inuu masuul ka yahay Somaliland. Waxaana arrintaasi ku kalifay heshiis ay dawladaha reer yurub ku gaadheen inay u tartamayaan ama ay qaybsadaan afirka.

             Magaca Somaliland
Horaantii sanadkii 1887, ayaa magaca Somaliland oo markii hore ahaa af-carabi” Berri somaal”. Ayey odaydu ku saxeexeen heshiiskii saamaha loo beddalay af-ingiriisi, ka dib wuxuu noqday “ Somaliland”. Sida taariikh-yahandu sheegayaan magacan Berri somaal waxa bixiyey dawladii cusmaaniyiinta ee masar ay wakiilka ah ahayd.
    Halkee Somaliland laga maamulayey?

Wuxuu ingiriisku cadeeyey in maxmiyadda Somaliland laga maamuli doono Cadan oo raacsan maamulkii ingiriiska ee hindiya ka talinayey. Waxa kale oo uu faransiiku ku dhawaaqay inuu la heshiiyey beelaha ciise iyo canfar eek ala deg Obokh iyo Jabuuti oo uu ka taliyo dhulkaasi ay degaan. Arrintaasi waxay ka dambaysay markii uu faransiiku maqlay heshiiskii ingiriiska la galay beelaha isaaq iyo gudabuursi warsan gali. Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay ingiriiska iyo faransiiska oo salka ku haya dhulka ciisuhu dego inuu midwaliba isagu maamulo, aakhirkiina waxay isla garteen heshiis ay gaadheen labada dal.
Badhtamihii sanadkii 1887 ayuu ingiriisku soo magacaabay saddex sarkaal oo wakiil uga noqda xeebaha Somaliland gaar ahaan, Berbera, saylac iyo Bulloxaar. Waxa kale oo la socday waxoogaa askar ilaalo ah, oo sugta ammaanka saddexda wakiil. Askastani waxay mararka qaarkood kala dhexgali jreen qabiilooyinka ay xurguftu  dhextaal ama geela kala dhaca. Waxa muddo yar ka bacdi la keenay askar reer Somaliland, oo cadan lagu soo tababaray sidii boolisk u shaqeeya. Waxay ka shaqayn jireen magaalooyinka xeebaha ah, oo ay sugi jireen amniga iyo kala dambaynta. Kamay shaqayn jirin dhinaca miyiga oo colaad xumi ka jirtay, oo ku salysnayd geel-dhicis iyo safar-dhicis. Taasi waxay cadaynaysaa inay ku koobnaayeen meelo cayiman.

        xuduuda Somaliland iyo jabuuti?

Horaantii sanadkii 1888 ayey ingiriiska iyo faraniisku ku kala saxeexdeen heshiis dhigaya xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo jabuuti. Xuduudaasi oo ka soo bilaabmaysa xariijin dhexmarta ceel caddo ( lawyocaddo), oo ah goob u dhexaysa dekeda sayla iyo jabuuti islamarkaana mari doonta Habasweyn, Biyo qabooba, Gildeesa ilaa Harar.

Muddo ka dib dawladda faransiika ayaa ku dhawaaqday in jabuuti tahay caasimada dhulka uu ka taliyo. Dawladaha reer yurub heshiisyada ay la galeen qabaa’ilka, waxay u arkayeen inay dantooda ku jirto.
          Juqraafiyada Soomaaliland

Somaliland waxay ku taal geeska Afrika, dhinaca waqooyiga waxa ka xiga badda cas, Waqooyi galbeedna waxa ka xiga dalka Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna waxaa ka xiga Ethiopia, barina waxaa ka xiga maamulka Puntland.  Koonfurna waxa ka xiga somaliya, Tirada dadka Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 3 malyan iy badh ilaa 4 milyan. Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2. Cimilada dalkani waa kulayl xige, roobkuna dhulku wuxuu helaa laba xili sanadkii , Somaliland waxa ay ku jirtaa dalalka ugu cimilada wanaagsan caalamka.
DIB ULA SOO NOQOSHADII XORIYADA 1960

Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka, inkastoo la jabiyey sayidka laakiin halkaas waxa kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar oo usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii, Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii.

Aasaasihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa bishii febraayo 1960kii isaga iyo wefti uu hoggaaminaayo u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xornimo buuxda lasiiyo.

26 Juun 1960kii bay aheyd markii “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya, waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas ayey midoobeen Somaliland iyo somaliya, inkastoo midawgaa lagu biirey koonfurta lagu khasaarey dhib badan loogeystey dalka iyo dadka .
XORIYADII LUNTEY IYO GUUSHII SNM

Markii reer somaliland la midoobeen koonfurta somaliya 1960kii, ayaa waxa timid in ay beenawdo riyadii aheyd iney isku keeneen bahda afka somaliga ku hadasha oo dhan iyaguna hormood u noqdaan,  laakiin markiiba wey beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen ee dhinacyada siyaasada dhaqaalaha, iyadoo taasi jirto ayaa kalidii taliyihii Siyaad Barre caga jugleyn badan., cadaadis ballaadhan oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi iyo in diyaaradu  iney ka kacdo madaarka hargeisa isla hargeisana duqeyso ugeystey bulshada Somaliland, dabadeed waxa ka dhashay kacdoon dadweyne, kaas oo uu kamid ahaa dhaqdhaqaaqii SNM, waxaana 6 dii abril 1981 lagu dhawaaqay ururkii SNM oo ay taageersanaayeen shacbiga Somaliland si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay 1960kii.

Mudo ku sineyd 10 sano markii dagaal qaadhaadhi dhexmarayey jabhadii SNM iyo kalidii taliye maxamed siyaad  bare waxa shacbiga somaaliland dib u heleen xoriyadoodii godka madaw kaga dhacday 1 dii julay 1960 kii .
18 may 1991 ayaa dhamaan beelaha wada daga soomaaliland madax dhaqameedkooda iyo siyaasiyiintii dalka xoreeyey kaga dhawaaqay  madaxbanaanida qaranida jamhuuriyda barakaysan ee Soomaaliland tan iyo maalintii Somaliland lagu dhawaaqayna waxa lagu talaabsaday horumar balaadhan oo dhinacyo badan leh sida xoriyada ,dhaqaalaha siyaasada ,ganacsiga, aqoonta iyo dib udhiska dalka  .
Wax kasta oo ay soomaaliland qabsatay ma aha awoodooda oo kaliya ee waxa ku lamaanaa talo saarashada Rabi swt . iyada oo xaqii dildilaacay  
Hadaba waxa inagu soo aadan xuska sanad guurada 27 aad ee jiritaanka qaranimada somaaliland oo dhawaan dalka iyo caalamkaba laga xusi doono  hadii alle idmo .
Intani waa falcelinta balanqaadkii aan dhawaan idiinku balan qaaday bogayga facebook lkn se muwaadin ma aha tani xogta kama danbaysta ah ee waa in tii awoodayda iyo aqoontaydu ii suurto galisay in aan qoro  waana carin maskaxo badan oo aan hubo in ay iga xogogaalsanyihiin iga aqoon badan yihiin igana qalin qoraal fiicanyihiin muwaadin ku tabaruc dalkaaga dadkaa fikirkaaga aqoontaada iyo xogaha dahsoon ee aad hayso kagana qayb qaado dabaal daga 27 aad ee qaranimada jamhuuriyada soomaaliland,
Waan dareen sanahay waxa dhiman mawduucyo  badan o aad tabaysaan danaynaysaana in aad ogaataan balse waxa aan uga tagayaa muwaadiniinta kale ee dalka
Guntii iyo gabagabadii waxa aan idin ka codsanayaa in aad ogaataan muhimada Dalkaaga Hooyo leeyahay kala saartaana mucaaridnimada siyaasada dhexdeena iyo jiritaanka dalka JAMHUURIYADA SOOMAALILAND  muwaadin lagaama xigo wadanka adaa leh balse dhawro sumcadiisa .

Fadlan ku taxnow  bogan waxa aad sidoo kale xogo dheeraad  ka heli doontaan

Monday, December 25, 2017

Sheeko Jacayl ah


W/T: Maxamed Xasan Muuse
Maalin maalmaha ka mid ah , wiil dhalinyaro ah iyo inan gashaanti ah ayaa si kedis ah waxay ugu kulmeen meel dariiq ah. Nasiib wanaag, mid ba aragti gaaban iyo jalleeco kadib, mid ba midka kale ku qanac muuqiisa. La is bariidi, la isna baray. Waxay is dhaafsadeen kaftan iyo kalmado farxad leh, rabitaan iyo kalgacal ku dheehan tahay, balse nasiib wanaag, labadoodaba waxa daaray rabitaankii nafsiga ahaa, waa jacaylka lammaanaha e’.
Wiilku waa askari, weliba waa milateri oo lagu yaqaan difaaca xuduudaha dalka, sidoo kale wiilku waxa uu kasoo jeedaa qoys danyar ah, laakiin inanta qoyskeedu waa ladan yahay.
Wiilkii waxa uu go’aansaday kaliya inaanu xidhiidh la samayn inanta oo kaliya ee uu xidhiidhiyo waalidkeedna. Sidoo kale inantu waxay baratay wiilka reerkooda laakiin inanta reerkoodu aad ugumay faraxsanayn wiilka, mudo yar kadib waxay ay arkeen in uu wiilku yahay wiil wanaagsan oo u qalma inantooda.
Nasiibdarro se waxa timid dhibaato kale. saleebaan sida aan hore idiinku soo sheegay waa askari. Si dhakhso ahna waxa u qarxay dagaal, waxaana loo diray goobtii dagaalka muddo sannad ah.
Ka bacdi waxa uu u yimid inantii ay is jecelaayeen waxaanu waydiiyay ma I guursanaysaa? Ilmo ayaa ka timid, waxaanay tidhi” Haa”. Waxa ay ku heshiiyeen in marka uu soo noqdo in ay is mehersadaan islana aqal galaan.
Masiibo adduunka kama dhamaato e’, maalmo yar ka dib, tegitaankii saleebaan, inantii waxay gashay shil baabuur, waanay miyir doorsoontay muddo todobaad ah ayay ku jirtay. Wiig ka bacdi way soo miiraabtay. Waaba iyadii oo dhakhtar taala, hooyadeed na ka dul ooyayso, aabaheedna ka dul werwerayo. Isla markiiba waxay in wax  qaldameen. Dareentay in dhaawac kasoo gaadhay maskaxda, gaar ahaan qaybta kaantaroosha muruqa wejiga.
Wejigeedii quruxda badnaa wuu fool xumaaday. Waxay isku eegtay muraayad. Waabay oyday. Waxay tidhi “shalay waan qurux badnaa, maantana waan fool xumaaday”. Wejigeeda waxa sidoo kale ka muuqda dhaawacyo badan oo kasoo gaadhay shilkii baabuurka.
Nasra waxay go’aansatay inay fasaxdo wiilkii ay is jeclaayeen, baajisana ballantii guurka. Waxa ay isleedahay Nasra kuma rabo wiilkii aad is jeclaydeen ee ilow oo dib yaanu kuu arkin.
Sannad ka dib askarigii waxa uu soo qoray waraaqo badan, balse umay jawaabin. Wuu soo garaacay marar badan, balse kamay qaban tilifoonka. Muddo ka bacdi hooyadeed ayaa ugu timid qolkeedii, una sheegtay in uu kasoo noqday wiilkii ay is jeclaayeen oo uu dagaalkii kasoo noqday isaga oo bad qaba. Nasra intay farxad naxday oo ay qaylisay ayay tidhi “ may hooyo fadlan ha u sheegin halkan inaan joogo”.
Nasra hooyadeed waxay  ku tidhi” hadda waxa uu doonayaa in uu ku guursado”. Waxay gacanta ka gelisay casuumaddii meherka. Wadno gariirtay Nasra oo waxa ay ogaatay in uu weli jecel yahay wiilka ay hadda sii iloobayso.
Murugo weynaa!. Waxay furtay kaadhkii casuumadda. Waxaabay ku dhex aragtay magaceedii oo ku qoran. Dawakhday oo is weydiisay waa maxay waxani. Waaba uu soo galay isla wiilkii ay is jeclaayeen. Waaba isagii oo sida bushqad ubaxyo ah. Agteeda ayuu fadhiistay. Ma I guursanaysaa ayuu su’aalay? Inta ay Nasra wejiga gacanta saarta ayay tidhi “waan fool xumahay”
Saleebaan ayaa si naxariis iyo kalgacal badan ka muuqdo ugu odhanaya Nasra ogolaansho la’aantaada  ayaa ay hooyadaa iigu soo dirtay sawiradaada markii aan arkayna waxa aan xaqiiqsaday in aanay waxbadan iska kaa badalin ee aad wali tahay sidii aan isku jeclaanay waxaanad  u qurux badan tahay sidii aad u quruxda badnayd awal . maxaa yeelay anigu ma aan rabin dahrigaaga oo qudha ee waxa an jeclaa qofnimadaada waxaanan kugu qabaa kalsooni dheeraad ah daacadnimada qalbigaaga .
W/T: Maxamed Xasan Muuse
Email: calaydh1989@gmail.com

Saturday, December 23, 2017

Abaal Daran (sheeko)


W/Q: Maxamed Xasan Muuse
Hibaaq waa inan indho la’ waxay karahsanayd nafteeda, iyadoo ku eedaynaysa ama ku maagaysa indho-beelka ilaahay SWT indha tiray. Waxay sidoo kale nacday oo ay collaysatay dhamaan dadkii ay la noolayd, ilaa wiil ay jeclayd mooye, wiilkaasoo badanaa ay ku odhan jirtay, haddaan indha heli lahaa waan is guursan lahayn. Ilaahay waa siduu doona yeelee, waxa uu u sikhiray oo qalbigiisa naxariis ugu beeray wiilkiiay jeclayd. Waxa uu u saaray labadiisii indhood, si ay u aragto adduunka oo ay uga baxdo cuqdada iyo ciilka nafsawiga ah, uguna aragto wiilkii ay jeclayd, balse nasiib darro isagu waa uu indho beelay, ilayn adduunku waa gad-gadoon e’.
wiilkii ay jeclayd, isna jeclaa oo aad ugu faraxsan helitaanka indhaha ee gabadha ayaa si kalsooni, farxad, niyadsami iyo rabitaan saayid ahi ku jiro ugu odhanaya imika waad aragtaa adduunkee, ma I guursan rabtaa?. Hibaaq waa ay yaabtay, markii ay aragtay  adduunka iyo inankii ay jeclayd waagii ay indhaha la’ayd, balse haatan isagu indho la’, wax aanad filanayn iyo fallaadhiba way kugu dhacaane, Hibaaq intay kor iyo hoos u eegtay, sankana dhaqdhaqaajisay oo ay kalyaha qabtsatay waxay tidhi” mayee imika kuma guursan rabo”. Wiilkii naxdin, anfariir iyo af kalaqaad, yaab oo yidhi” ii ilaali oo ii daryeel uun indhahayga, isaga oo weli lexejeclo badan ka qaba Hibaaq”.
Dabciga bani’aadamka ayaa ah inuu is bed-bedelo, marka uu meeqaamkiisu kor u kaco, keliya tiro yar oo dad ah ayaa xasuusta waxa ay ahayd noloshu maanta ka hor, waana kuwa ugu naxariista badan dadka.
Ogsoonow
Ka hor inta aanad ku dhawaaqin hadal bilaa naxariis ah, in ay jiraan dad aan dhawaaaqiba karin oo alle hadalkaba ka xidhay.
Ka hor inta aanad ka calaacalin dhadhanka cuntada inay jiraan qaar aan waxba cunin oo aan haysan waxay cunaan
. Ka hor inta aanad ka caban saygaaga ama ooridaada inay jiraan dad badan oo guumoobay oo aan helin lammaanihii ay xaqa u lahaayeen inay nolosha la wadaagaan.
Ka hor inta aanad karhin nolosha iyo waayaheeda inay jiraan dad geeriyooday, iyaga oo aan adduunka waxba ka qabsan if iyo aakhiro toona.
Ka hor inta aanad ka calaacalin caruurtaada iyo dhibaatadooda, inay jiraan dad badan oo goblan ah, jelcaan lahaa inay mar uun ubad dhalaan oo ay ku indho doogsadaan.
Ka hor inta aanad karhin meesha aad degan tahay buul, jiingad ama daar oo kiro ah, in ay jiraan darbi-jiif kula dhaqan, isir, midab, diin iyo degaanba.
Ka hor inta aanad salluugin cidhiidhiga iyo gaabiska gaadiidka aad wadato ee uu kuu baxayo qaboojiye ama kulayliye ee aad dhigaysanayso hees maaweeelo ah, ama cid kuu sheekaynayso, in ay jiraan dad lugaynaya cadceed, dhaxan, siigo iyo roob kasta oo jira.
Ka hor inta aanad daalin ama ka caban nooca shaqo ee aad hayso, inay jiraan dhalinyar cilmi, caqli iyo cudud ba leh, balse nasiibku saacidi waayay inay shaqo helaan ama naafo daran qaba, rajaynayana inay shaqo helaan.
W/Q: Maxamed Xasan Muuse
Email: calaydh1989@gmail.com

Monday, October 10, 2016

Qaran mise qabiil

Qaran Mise Qabiil
Waxa 48kkii saacaddood ee ugu dambeeyey si toos ah looga dareemayay baraha bulshadu ku xidhiidho iyo dhamaan ba ila wareedyada warbaahinta ee qaranka,xogo iftiiminaya siyaasiyiin, aqoonyahano iyo indheer-garad la kala safanaya asxaabta qaranka ee ka duwan. Iyada oo ay taasi jirto, ayaa waxa aan jeclaystay in aan fikirkayga shakhsiga ah wax kaga idhaahdo, waxa uu daaran yahay la kala safashada siyaasiyiinta iyo waxa ay salka ku hayso,iyada oo aan kusoo bandhigi doono kaliya siday aniga ila tahay,dareemayana in bulsho badan ila dareemayso.
Sida aynu la wada socono, waxa dhawaanahanba wada hadal ku jiray xisbiga Waddani iyo garabka la magac baxay”Garabka is bedel doonka ah” oo ah garabkii ama xubnihii golaha wasiiradda ahaa ee ka cadhooday hannaanka hawlaha xisbiga Kulmiye uu u hogaamiyo musharaxa madaxtinimo  haatan ee xisbul xaakimka Kulmiye,iyada oo ay isla gaadheen afgarasho fiican. Haddaba su’aasha meesha taal ayaa ah; xisbigaasi garanay, sababta keentay diga-rogashadani waxa ay tahay, balse muxuu yahay waxa keenay in xoogag sidan u miisaan leh ku kala biiraan labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye?. Waxa uun aan u malaynayaa, waa aragtidayda yar ee gaabane, cunsur bulshadeena dib ugu soo laabtay intii ay jirtay xukuumadda haatan talada dalka haysaa gacanta ku haysay talada dalka amaba muddo xileedkeeda. Waxba yaan daddine waaa Daahir yaa Shamis, waa Qabyaalad oo haatan maraysa heerkeedii ugu sarraysay, in siyaasiyiintii qaranka ee awalba ku kala jirtay xisbiyada qaranka ay dantooda iyo ta qarankaba ku jirto. Balse haatan reer kastaa wuxuu leeyahay xisbi, isaga oo awooda saaraya sidii uu siyaasi kasta oo kasoo jeedaa beesha cida hogaaminaysaa xisbiga uga mid noqon lahaa amaba xubin buuxda oo leh awood qarsoon u noqon lahaa. Waxaana u daliila arrinkaa,waxa ilaa shalay/maanta arkayseen siyaasiyiin kusoo biirtay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, balse ma is weydiiseen sababta amaba iyagu ma u sheegeen bulshadda wax macquul ah oo qanciya sida; barnaamij siyaasadeed qoran,qaab dhismeed xisbi oo leh musharax madaxweyn,ku xigeen,guddoomiye,guddoomiye ku xigeen,xoghaye guud,gole dhexe iyo gole fulineed?.
Xisbigu se ma qabtay shir-weyne?. Ma ka wada muuqdaan bulshadda kala duwan ee wadaagta Somaliland iyo waliba qaar kale oo badan oo aanan jeclayn in aan halkan kusoo bandhigo, sababta oo ah”Si xun wax u sheeg,sixir na ka darran”.
Sida aynu la wada socono, waxa ka dhiman xisbiga muraadka ah ee Waddani wax badan oo ka mid ah,iyada oo ay taasi jirto, ayaa haddana waxa si hagar la’aan ah  iskaga soo daba dhacaya ashkhaasta iyo siyaasiyiinta ruug-caddaaga ah ee kusoo biiraya xisbiga. Bal ila eeg,waa ayo tallow siyaasiyiintaasi?. Waa Ismaaciil Hurre Buubaa,Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), Aadan Cilmi Dhoola-yare, Eng Yuusuf Gaydh, Prof Rashiid Aadan iyo C/raxmaan Jaamac. Dhamaan siyaasiyiintaasi waxay kasoo wada jeedaan beel-weynta Garxajis ee uu kasoo jeedo hogaanka xisbiga Waddani, ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Aan u dhaafo falanqaynta intaa dheer bulshada ay ka dhex jirto arrintani.
Balse haatan aan u imaado garabka kale,waa xisbul-xaakimka Kulmiye e’. Waxa jirta oo la hadal hayaa in shir doceeedyo beelaysan uu la leeyahay beelaha kala duwan ee dalka. Iyada oo ay haatan soo baxeen xogo tibaaxaya in masuuliyiin xilal wasiiro ka soo qabtay xukuumaddihii kala dambeeyey ee dalka ay si toos ah oo shuruud la;aan ah ugu biirayaan xisbiga Kulmiye. Sidaa daraadeed waxa iyana is weydiin mudan: Waa ayo siyaasiyiinta ku biiraya xisbiga Kulmiye?. Muxuu se daaran yahay gelitaankoodu, ee aan ahayn xisbiga oo uu hogaamiyo masuul ka tirsan beesha ay kasoo jeedaan?. Aan kow ka idhaahdo masuuliyiintaa:
Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee Maaliyadda.
Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha xukuumaddii Riyaale.
Xasan Xaaji Maxamuud, wasiirkii hore ee Waxbarashadda xukuumadii Riyaale,
Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), wasiirkii Arrimaha Gudaha xukuumaddii Riyaale.
Axmed Jaambiir Suldaan,wasiirkii Arrimaha Gudaha xukuumaddii Cigaal.
Ila eega waxan meesha ka socda.
Guntii iyo geba-gebadii:
Dadow maxaa xal ah?
Dhalinyarooy caqligu ha shaqeeyo.
Aqoonyahan cilmigu wax ha kaa bedelo.
Caaliq ama Suldaan sun ha beerin.
Siyaasi …………
Qalinkii: Maxamed Xasan Muuse



Email: calaydh1989@hotmail.com, calaydh1989@gmail.com

Sunday, June 21, 2015

Muxuu yahay dheeraadka ay inoo qabteen ?


Muxuu yahay dheeraadka ay inoo qabteen ?
Qof kasta oo aduunka guudkiisa ku nool ha noqdo gaal ,islaam ,rag ,  dumar,yar,wayn,jaahil amaba aqoon leh. Waxa uu leeyahay  miqiyaas rabaani ah oo ilaahay ku galadaystay si uu ugu kala garto saxa iyo qaladka ama xumaanta iyo wanaaga  inana waxa uun aynu ka mid nahay umadahaasi .
Sidaa daraadeed waxa aan maanta qalinka u qaatay inaan fikirkayga qof ahaaneed amaba shakhsiyeed ku cabiro arin waayahanba maskaxdayda ka guuxaysay hase ahaatee ilaahay subxaana watacaalaa koreeye aanu ii suurta gelin odhaahdeeda iyo qoraalkeeda toona balse ay maanta sugnaatay .
ARRIN! Qof kasta oo akhriya maqaalkan ama maqla oo looga sheekeeya waxa uu is weydiinayaa waxa ay  tahay arintaasi ma amaanbaa , ma dhaliilbaa ,ma ducaa, ma habaarbaa(hareerahayga) ma khayrbaa, ma sharbaa(na cuudu bilaahi). Hadaa waa maxay ? bal adba .
ka dib malaawaal maskax bini aadam hadba meel u malayn waxa uu qof walba heleyaa natiijada saxda ah ee ulajeedada maqaalkan oo ah inaan wax ka idhaahdo hab dhaqanka iyo tacamuulka xukuumadadihii ina soo maray mudadii uu qarankani xornimadiisa dib ula soo nodqday oo gaadhaysa 23sano ah oo waafaqsan 18/may/ 1991, Gaar ahaan labadii xukuumadood ee u danbeeyey oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne mudane daahir rayaale kaahin iyo madaxweynaha haatan talada haya ee mudane axmed maxamed maxamuud siilanyo oo ah inata aan ogaalkay , garashadayda ama dadaydu gaadhayso .aniga oo inyar is dul taagi doona hab dhaqanka xukuumada haatan talada haysa oo inta badan dadku imika wada garanayaan xusuustooda haatan ku weynatahay balse dad badan quluubtooda ay ku xardhanatahay xusuuta xukuumadadihii hore .
Intaa ka dib waxaan wax ka odhan doonaa kolay noole ilaahay abuuray oo dhami wax tar buu leeyahay hanoqdo mid badan amaba mid yare, waayo waayo soomalidii hore way maahmaahi jireen oo waa kuwa yidhi (rag wax ma tare ma leh wax yar tare mooyee) . Oo dee aboorbaa dundumo dhisa oo waliba candhuuftiisa ku dhisa.
 sidaa daradeed horta tu kastaa waxbay qabatay habadiso ama ha yareysee balse waxa nasiib daro ah markasta waxa dhagaheena iyo indhaheenaba ka badatay masuuliyiin badan oo ku faanaya shaqadooda iyagoo leh kanaan qabtay iyo kanaan qabtay .
! waa maxay tolow dheeraadka ay inoo                 qabteen? Maxay inagaga mushahar iyo magacba qaataan? cajebay cajiibey carigani waali badanaa, waxa aynu bilo ka joognaa maalintii ay xukuumadu soo bandhigtay wax qabadka sanadoodii afraad iyadoo ay soo bandhigeen wax qabad badan balse wax qabadkooda dhaliilo badani dul hoganayaan waxa  aan midh midh isu dul taagi doonaa dhaliilaha cad ee xukuumada haatan talada haysa ku dhaliilayno hadaanu nahay da’yarta Somaliland .
 Kow aan ka idhaahdo (ileen wax la raajaa rag kuma samee) aniga oo soo qaadi doona intii ay ku faaneen dhinacooda kale ee daaha la saaray .
Nabad galyada
Sida aynu la wada socono waxa ay xukuumadu ku faantay inay wax ka qabatay nabad galyada balse ay tahay been abuur waayo nabad galyada xukuumada siilaanyo horteed waynu haysanay imikana haysanaa rejeynaynaa inaynu haysan doono hadii eebe idmo.
 balse xukuumadu may ilowday inay tahay xukuumadii u horeysay ee xuduudkeeda ka soo dagaan jabhad wadan ka dagaalanta si toosana ay u dhex maraan iyadoo wadankaana ay cilaaqaad fiicani naga dhaxeeyo ha noqoto mid bulsho , dhaqaale iyo siyaasadeedba .
Inay tahay xukuumda kaliya ee suurta galisay habdhaqankii kali taliskii maxamed siyaad bare ee ahaa cabudhinta xoriyatul qawlka, saxaafada iyo siyaasada .
Waxbarashada
Waa run xukuumadu waxa ay bilaash ka dhigtay waxbarashada dugsiyada hoose dhexe wallow  si dadban uun hadana loo qaado iyada oo loo magac bixiyey hadana waanu ogolnahay oo taa way ku amaananyihiin.
 Balse xukuumadu waxa ay indhaha ka qarsataa marka ay hadlayaan heerka tayada waxbarashada dalka ee min dugsi hoose dhexe ilaa jaamad, ma tahay waxbarshada dalka lagu hayaa mid ilaa heerkan lagu faani karo  ( ileen tiro waxba ma tartee tayaa wax tarta ) waayo waxa marag ma doona hoos u dhaca wax barashada iyo habka maamulka jaamacada hargeisa iyada oo ay ragadisay qabyaalad iyo maamul xumo kow ka tahay xukuumadu, iska daba dhaca dugsiyada gaarka loo leeyahay, hoos udhaca dugsiyada dawliga ah oo ay kormareen goobaha ganacsiga ama private schools  iyada oo tasi jirto waxa nasiib daro ah in xukuumadu dhamaanteed ku faanto sanad kasta waxaanu bilaash ka dhignay waxbarashada
Caafimaadka
Aniga ogaalkay waxa uun dalka ku soo hadhay oo caafimaad ka baadha dadka jeebku gabay oo keliya wallow ay jiraan dhaakhaatiir gaar loo leeyahay oo ay tayadoodu wanaagsan tahay taana waan la goyn karayn bal aan dhaafno hargeisa iyo magaalo madaxyada wadanka oo aan tagno tuulooyinka iyo miiyada wax aad arki wax aanad arki karayn oo ay indhahaagu aragiisa diidayaan,  wax aanad maqli karayn oo dhagahaagu maqalkiisa diidayaan oo ah gabadh la leeyehay way isku go’day way dhiig baxaday nafaqo daro ayaa dishay  iyagoo aan heleyn guud ahaanba adeeg caafimaad ha yaraado ama ha badnaadee hadaba dadkaa yaa ka masuula?.
Dhaqaalaha
   Dhaqaaluhu waa laf dhabarta wadanka horumarkastaana waxa uu ku xidhanyahay isaga hadaba ma muuqaataa xukuumad kobcisay amaba kor u qaaday dhaqaalaha wadanka aniga iyo in badan oo umada ka mida ahna dadka aan ku tacaluqin kuna dhex milmin siyaasada waxa aan qabaa in xukuumadani ay tahay mid umada u kala qaybisay  dabaqado. . Waayo waxa aad magaalada hargeisa ku arkaysaa dad ku nool maalintii wax ka yar 20,000  sl sh iyo qaar ku nool in ka badan 20$ dollar waa nolol maalmeedkee. Waxa iga su,aala dadyahaw yaa ka masuula noloshan ku salaysan dollarka ?

 Dhalinyarada
Sida aynu la wad socono dhalinyarada wadanku waa 70% waana udub dhaxaaadka qaranka ,dhaxalsugayaasha beritoole hogaanka mustaqbalka,aabaha iyo hooyada beri waxaanay u baahanyihiin in la kobciyo la koriyo maskaxdooda iyo muruqoodaba. Taa daa hadalkeeda oo waxa manta muuqata rajo dhigista manta da’yrtu ka rejo dhigtay ku noolaanshaha wadanka iyag oo guud ahaanba u cararaya wadamada galbeedka  sidii ay u raadsan lahaayeen nolol noloshan dhaanta iyagoo ku andacoonaya shalay dhaantay mooye inaanay jirin maantay dhaantaa .
Guntii iyo gabo gabadii qoraalka  waxa aan ku soo afmeerayaa tix gabaya oo uu tiriyey mid ka mid ah abwaanadeena dalka waa hadraawiye oo aan jeclaystay sida hufan qurxoon ee ay u tilmaamayso siyaasiyiinta. Maansadan oo la yidhaa xayaab.




Maansadu xayaab weeyi
Xadhig lama sitaan weeyi
Kolna xoorka geel weeyi
Dhay xalowsigeed weeyi
Murtidayda xadi maayo
Nina xeer u dhigan maayo
Xumaantana ma qarinaayo
Madaxnimo xurmaynteeda
Xushmadiyo wanaageeda
Hadii lagugu xayndaabo
Xukunkana laguu dhiibo
Xilku maaha xaabxaabsi
Xabad iyo dagaal maaha
Xaqa laal xabaal maaha
Dulmigana xanbaar maaha
Xuluulayso keli maaha
Xabagtana ka sii gooso
Daar xaradh leh ku xisaabtan
Iyo moodhar xiimaya
Xidhmo qaada soo qaado
Xulafana dabadeed yeelo
Iyo koox xayaysiis ah
Qabiil xero u ood maaha
Inta xunxun xurquun maaha
Inta kalana xoor maaha
Xeedhada sal dhaw maaha
Xaab xaabka leef maaha
Kuwii hore xujee maaha
Adiguna ha xeel dhaamin
Kursiguun xasili maahaa
 Yaan nin kale xoogtayn maaha
Kaligaa xagee maaha
Sharcigana xasee maaha
Xilku maaha ku xafiiltan
Xuurtada ku hay maaha
Xasuuqii ilow maaha
Waliba sii xag xago maaha
Xoriyada cabudhi maaha
Xabsiga u taxaab maaha
Xilku maaha xagaansi
Dhaxal kuu xasilay maaha
Xoolihii aabahaa maaha
Xilkan waa laguu dhiibtay
Xoolahan dadwaynaa leh
Xaasas iyo agoomaa leh
Jabhadii xoraysaa leh
Odayaal xaroo baa leh
Islaamahan xashoo baa leh
Sabi xayn ku jira baa leh
Curyaankaa xamaartaa leh
Xujaaj iyo wadaadaa leh
Haweenkaa xusbinayaa leh
Xoolaha ka raacaa leh
Ka xashiishka gurayaa leh
Shaqaalaha kan xoodmaa leh
Askari gaadh ku xiiqaa leh
Caaqil duub ku xidhan baa leh
Umad xogo daran baa leh
Ninkaan nagu xurmaynaynin
Xadayee xad dhaafaaya
Inuu xoogay moodaaya
Waa in laga xayuubshaa
Xilka umada ha u dhigoo
Ha uga tago xafiiskooda .








Qalinkii :- Maxamed xasan muuse   Email:- Mohamed.hass01@hotmail.com  calaydh1989@hotmail.com
Tell:  4228940, 4099221