calaydh1989@gmail.com
Calaydh.blogspot.com
Monday, October 1, 2018
calaydh1989@gmail.com
Sunday, September 30, 2018
Sunday, May 13, 2018
Somaaliland
Soo galitaankii Ingiriiska ee Dhulka Soomaaliland
Beelahii daganaa Dhulka Somaliland waxa caado u ahaan jirtay colaado dhexdooda yaallay, oo ku salaysnaa geela la kala dhaco, biyo iyo daaq lagu dagaalamo. Aanooyin Qabiil. Kolba beeshii tiro badan ayaa geela ka dhici jiray kuwa kale. Arrintaasi waxay u sahashay ingiriisku inu soo kala dhexgalo beelaha geela kala dhacaya. Markii dambe ayuu daraasad ku sameeyay, ka dib wuxuu taageero hiil iyo hoo u fidiyey beelahii geela xooga lagaga dhacayey. Ka dib beelihii qaar ayaa nasteex mooday taageeradii. Waana halka uu ka yimid fikirka “ qaybi oo xukun”. Waana tii soomaaliddu ka maahmaahday ee tidhi” yey is cunaysaa waraabe iskama celiso”.
Sida caadada u ah gumaystayaasha, markay doonayaan inay meel qabsadaan waxay marka hore diri jireen sahamiye soo darsa oo warbixin buuxda ka keena goobta la doonayo in la qabsado.
Sanadkii 1823 ayuu ingiriisku soo diray nin sahamiye ah oo la odhan jiray W.F.OWEN si uu darso xeebaha Somaliland ee kala ah: saylac, bulaxaar, berbera, maydh, xiis iyo laas qoray. ninkii sahamiya ahaa ayaa isticmaalay qaabuu iska dhigayo nin ganacsade ah , oo doonaya inuu alaab ka iibsado magaalooyinka ku teedsan badda cas. Ka dib marka uu noqday ayuu warbixin dheer ka siiyay ingiriskii noloshaada iyo waayaha yaalla.
Ingiriiskii oo ka shidaal qaadanaya warbixintii wuxuu ku sheegay xeebaha soomaliland yihiin qaar la tagi karo, dadka ku noolina ay yihiin dad furfuran oo ganacsi lala yeelan karo .
Sanadkii 1825 ayuu ingriiskii soo diray markab la odhon jiray mary oo ay saaran yihiin koox dad ah, kuna soo xidhay magaalada berbera , kadib dadkii oo ka diidsan cadaankan iska soo galay dalka ayay dagaal ku qaadeen halkaa dagaal xun ayaa ka dhacay aakhirkiina markabkii iyo kooxdii la socotay waa la laalay, kadibna waxaa lagu heshiiyay in beesha bixiso lacag oo magdhow ah ooo dhan £6000 taasina waxay ku tusinasaa sida ay dadka reer somaliland u necbaayeen dadka shisheeya ah e dalkooga iska soo gala , waxaa kale oo ingriiska ka yaaabisay markii habeen badh weerar lagu qaaday , si xuna dhaawac loogu gaystay ninkii la odhon jioray RECHARD .F BURTON oo ingriiska sahamiye u ahaa 1855 intaasi ka dib ingriisku wuxuu kau dhaqaaqay inuu la heshiiyo dadka reer somaliland heshiisyo ganacsi oo kooban. Heshiiskii u horeeyey ayaa la kala saxeexday sanadkii 1857 waxaana kala saxeexday shirkad la odhon jiray EAST INDIAN COMPANY iyo odhoyaal reer berbera ah
Heshiiskii Saamaha
- In aanay dawlada ingiriisku iibin Karin , kirayn karin, hibayna Karin ,cid kale oo qabsatana u ogolaan Karin dhulka soomaaliland .
- In dhamaan maraakiibta wadata calanka ingiriisku ay ka ganacsan karaaan xeebaha soomaaliland
- In dadka uu maamulo ingiriisku ee imanaya dhulka soomaaliland ay helayaan nabad galyo buuxda
- In si buuxda loo joojiyo ganacsiga adoomaha la soo marinayo dhulka soomaaliland
- In wakiil ingiriisku u soo magacaabo dhulka soomaaliland loo la dhaqmo si xushmad iyo itiraam leh.
- sacad-muuse) nuux ismaciil—14 juulay 1884 waxa berbera ku saxeexay 29 oday.
- Sacad-muuse) reer gadiid, reer Shirdoon, Makaahiil, Cismaano iyo Cabdalle Sacad=10 juulay 1884 waxa Bulloxaar ku saxeexay 35 oday
- Habar-Toljecle) uduruxmiin=26 diisamber 1884 karin iyo xiis waxa ku saxeexay 39 oday.
- Ciise iyo gudabuursi) mamaasan iyo maxamed case=11 diisamber 1884 waxa saylac ku saxeexay 33 oday.
- Habar-yoonis) muuse carro—-3 jeenaweri 1885 waxa maydh ku saxeexay 19 oday.
- Warsangeli) bah-majeerteen=27 jeenaweri 1886 waxa laas-qoray ku saxeexay 17 oday.
Fiiro-gaar ah: qabiilooyinka halkan ka maqani may lahayn dekedo u gaar ah oo ay maamulaan, balse waxay degi jireen dhulka ka baxsan xeebah.
Markii dawlada ingiriisku ka faraxalatay heshiisyadii saamaha, ayuu ingiriisku dhawaaqay inuu masuul ka yahay Somaliland. Waxaana arrintaasi ku kalifay heshiis ay dawladaha reer yurub ku gaadheen inay u tartamayaan ama ay qaybsadaan afirka.
Magaca Somaliland
Wuxuu ingiriisku cadeeyey in maxmiyadda Somaliland laga maamuli doono Cadan oo raacsan maamulkii ingiriiska ee hindiya ka talinayey. Waxa kale oo uu faransiiku ku dhawaaqay inuu la heshiiyey beelaha ciise iyo canfar eek ala deg Obokh iyo Jabuuti oo uu ka taliyo dhulkaasi ay degaan. Arrintaasi waxay ka dambaysay markii uu faransiiku maqlay heshiiskii ingiriiska la galay beelaha isaaq iyo gudabuursi warsan gali. Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay ingiriiska iyo faransiiska oo salka ku haya dhulka ciisuhu dego inuu midwaliba isagu maamulo, aakhirkiina waxay isla garteen heshiis ay gaadheen labada dal.
xuduuda Somaliland iyo jabuuti?
Horaantii sanadkii 1888 ayey ingiriiska iyo faraniisku ku kala saxeexdeen heshiis dhigaya xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo jabuuti. Xuduudaasi oo ka soo bilaabmaysa xariijin dhexmarta ceel caddo ( lawyocaddo), oo ah goob u dhexaysa dekeda sayla iyo jabuuti islamarkaana mari doonta Habasweyn, Biyo qabooba, Gildeesa ilaa Harar.
Muddo ka dib dawladda faransiika ayaa ku dhawaaqday in jabuuti tahay caasimada dhulka uu ka taliyo. Dawladaha reer yurub heshiisyada ay la galeen qabaa’ilka, waxay u arkayeen inay dantooda ku jirto.
Somaliland waxay ku taal geeska Afrika, dhinaca waqooyiga waxa ka xiga badda cas, Waqooyi galbeedna waxa ka xiga dalka Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna waxaa ka xiga Ethiopia, barina waxaa ka xiga maamulka Puntland. Koonfurna waxa ka xiga somaliya, Tirada dadka Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 3 malyan iy badh ilaa 4 milyan. Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2. Cimilada dalkani waa kulayl xige, roobkuna dhulku wuxuu helaa laba xili sanadkii , Somaliland waxa ay ku jirtaa dalalka ugu cimilada wanaagsan caalamka.
Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka, inkastoo la jabiyey sayidka laakiin halkaas waxa kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar oo usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii, Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii.
Aasaasihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa bishii febraayo 1960kii isaga iyo wefti uu hoggaaminaayo u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xornimo buuxda lasiiyo.
26 Juun 1960kii bay aheyd markii “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya, waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas ayey midoobeen Somaliland iyo somaliya, inkastoo midawgaa lagu biirey koonfurta lagu khasaarey dhib badan loogeystey dalka iyo dadka .
Markii reer somaliland la midoobeen koonfurta somaliya 1960kii, ayaa waxa timid in ay beenawdo riyadii aheyd iney isku keeneen bahda afka somaliga ku hadasha oo dhan iyaguna hormood u noqdaan, laakiin markiiba wey beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen ee dhinacyada siyaasada dhaqaalaha, iyadoo taasi jirto ayaa kalidii taliyihii Siyaad Barre caga jugleyn badan., cadaadis ballaadhan oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi iyo in diyaaradu iney ka kacdo madaarka hargeisa isla hargeisana duqeyso ugeystey bulshada Somaliland, dabadeed waxa ka dhashay kacdoon dadweyne, kaas oo uu kamid ahaa dhaqdhaqaaqii SNM, waxaana 6 dii abril 1981 lagu dhawaaqay ururkii SNM oo ay taageersanaayeen shacbiga Somaliland si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay 1960kii.
Mudo ku sineyd 10 sano markii dagaal qaadhaadhi dhexmarayey jabhadii SNM iyo kalidii taliye maxamed siyaad bare waxa shacbiga somaaliland dib u heleen xoriyadoodii godka madaw kaga dhacday 1 dii julay 1960 kii .
Monday, December 25, 2017
Sheeko Jacayl ah
W/T: Maxamed Xasan Muuse
Maalin maalmaha ka mid ah , wiil dhalinyaro ah iyo inan gashaanti ah ayaa si kedis ah waxay ugu kulmeen meel dariiq ah. Nasiib wanaag, mid ba aragti gaaban iyo jalleeco kadib, mid ba midka kale ku qanac muuqiisa. La is bariidi, la isna baray. Waxay is dhaafsadeen kaftan iyo kalmado farxad leh, rabitaan iyo kalgacal ku dheehan tahay, balse nasiib wanaag, labadoodaba waxa daaray rabitaankii nafsiga ahaa, waa jacaylka lammaanaha e’.
Wiilku waa askari, weliba waa milateri oo lagu yaqaan difaaca xuduudaha dalka, sidoo kale wiilku waxa uu kasoo jeedaa qoys danyar ah, laakiin inanta qoyskeedu waa ladan yahay.
Wiilkii waxa uu go’aansaday kaliya inaanu xidhiidh la samayn inanta oo kaliya ee uu xidhiidhiyo waalidkeedna. Sidoo kale inantu waxay baratay wiilka reerkooda laakiin inanta reerkoodu aad ugumay faraxsanayn wiilka, mudo yar kadib waxay ay arkeen in uu wiilku yahay wiil wanaagsan oo u qalma inantooda.
Nasiibdarro se waxa timid dhibaato kale. saleebaan sida aan hore idiinku soo sheegay waa askari. Si dhakhso ahna waxa u qarxay dagaal, waxaana loo diray goobtii dagaalka muddo sannad ah.
Ka bacdi waxa uu u yimid inantii ay is jecelaayeen waxaanu waydiiyay ma I guursanaysaa? Ilmo ayaa ka timid, waxaanay tidhi” Haa”. Waxa ay ku heshiiyeen in marka uu soo noqdo in ay is mehersadaan islana aqal galaan.
Masiibo adduunka kama dhamaato e’, maalmo yar ka dib, tegitaankii saleebaan, inantii waxay gashay shil baabuur, waanay miyir doorsoontay muddo todobaad ah ayay ku jirtay. Wiig ka bacdi way soo miiraabtay. Waaba iyadii oo dhakhtar taala, hooyadeed na ka dul ooyayso, aabaheedna ka dul werwerayo. Isla markiiba waxay in wax qaldameen. Dareentay in dhaawac kasoo gaadhay maskaxda, gaar ahaan qaybta kaantaroosha muruqa wejiga.
Wejigeedii quruxda badnaa wuu fool xumaaday. Waxay isku eegtay muraayad. Waabay oyday. Waxay tidhi “shalay waan qurux badnaa, maantana waan fool xumaaday”. Wejigeeda waxa sidoo kale ka muuqda dhaawacyo badan oo kasoo gaadhay shilkii baabuurka.
Nasra waxay go’aansatay inay fasaxdo wiilkii ay is jeclaayeen, baajisana ballantii guurka. Waxa ay isleedahay Nasra kuma rabo wiilkii aad is jeclaydeen ee ilow oo dib yaanu kuu arkin.
Sannad ka dib askarigii waxa uu soo qoray waraaqo badan, balse umay jawaabin. Wuu soo garaacay marar badan, balse kamay qaban tilifoonka. Muddo ka bacdi hooyadeed ayaa ugu timid qolkeedii, una sheegtay in uu kasoo noqday wiilkii ay is jeclaayeen oo uu dagaalkii kasoo noqday isaga oo bad qaba. Nasra intay farxad naxday oo ay qaylisay ayay tidhi “ may hooyo fadlan ha u sheegin halkan inaan joogo”.
Nasra hooyadeed waxay ku tidhi” hadda waxa uu doonayaa in uu ku guursado”. Waxay gacanta ka gelisay casuumaddii meherka. Wadno gariirtay Nasra oo waxa ay ogaatay in uu weli jecel yahay wiilka ay hadda sii iloobayso.
Murugo weynaa!. Waxay furtay kaadhkii casuumadda. Waxaabay ku dhex aragtay magaceedii oo ku qoran. Dawakhday oo is weydiisay waa maxay waxani. Waaba uu soo galay isla wiilkii ay is jeclaayeen. Waaba isagii oo sida bushqad ubaxyo ah. Agteeda ayuu fadhiistay. Ma I guursanaysaa ayuu su’aalay? Inta ay Nasra wejiga gacanta saarta ayay tidhi “waan fool xumahay”
Saleebaan ayaa si naxariis iyo kalgacal badan ka muuqdo ugu odhanaya Nasra ogolaansho la’aantaada ayaa ay hooyadaa iigu soo dirtay sawiradaada markii aan arkayna waxa aan xaqiiqsaday in aanay waxbadan iska kaa badalin ee aad wali tahay sidii aan isku jeclaanay waxaanad u qurux badan tahay sidii aad u quruxda badnayd awal . maxaa yeelay anigu ma aan rabin dahrigaaga oo qudha ee waxa an jeclaa qofnimadaada waxaanan kugu qabaa kalsooni dheeraad ah daacadnimada qalbigaaga .
W/T: Maxamed Xasan Muuse
Email: calaydh1989@gmail.com
Saturday, December 23, 2017
Abaal Daran (sheeko)
W/Q: Maxamed Xasan Muuse
Hibaaq waa inan indho la’ waxay karahsanayd nafteeda, iyadoo ku eedaynaysa ama ku maagaysa indho-beelka ilaahay SWT indha tiray. Waxay sidoo kale nacday oo ay collaysatay dhamaan dadkii ay la noolayd, ilaa wiil ay jeclayd mooye, wiilkaasoo badanaa ay ku odhan jirtay, haddaan indha heli lahaa waan is guursan lahayn. Ilaahay waa siduu doona yeelee, waxa uu u sikhiray oo qalbigiisa naxariis ugu beeray wiilkiiay jeclayd. Waxa uu u saaray labadiisii indhood, si ay u aragto adduunka oo ay uga baxdo cuqdada iyo ciilka nafsawiga ah, uguna aragto wiilkii ay jeclayd, balse nasiib darro isagu waa uu indho beelay, ilayn adduunku waa gad-gadoon e’.
wiilkii ay jeclayd, isna jeclaa oo aad ugu faraxsan helitaanka indhaha ee gabadha ayaa si kalsooni, farxad, niyadsami iyo rabitaan saayid ahi ku jiro ugu odhanaya imika waad aragtaa adduunkee, ma I guursan rabtaa?. Hibaaq waa ay yaabtay, markii ay aragtay adduunka iyo inankii ay jeclayd waagii ay indhaha la’ayd, balse haatan isagu indho la’, wax aanad filanayn iyo fallaadhiba way kugu dhacaane, Hibaaq intay kor iyo hoos u eegtay, sankana dhaqdhaqaajisay oo ay kalyaha qabtsatay waxay tidhi” mayee imika kuma guursan rabo”. Wiilkii naxdin, anfariir iyo af kalaqaad, yaab oo yidhi” ii ilaali oo ii daryeel uun indhahayga, isaga oo weli lexejeclo badan ka qaba Hibaaq”.
Dabciga bani’aadamka ayaa ah inuu is bed-bedelo, marka uu meeqaamkiisu kor u kaco, keliya tiro yar oo dad ah ayaa xasuusta waxa ay ahayd noloshu maanta ka hor, waana kuwa ugu naxariista badan dadka.
Ogsoonow
Ka hor inta aanad ku dhawaaqin hadal bilaa naxariis ah, in ay jiraan dad aan dhawaaaqiba karin oo alle hadalkaba ka xidhay.
Ka hor inta aanad ka calaacalin dhadhanka cuntada inay jiraan qaar aan waxba cunin oo aan haysan waxay cunaan
. Ka hor inta aanad ka caban saygaaga ama ooridaada inay jiraan dad badan oo guumoobay oo aan helin lammaanihii ay xaqa u lahaayeen inay nolosha la wadaagaan.
Ka hor inta aanad karhin nolosha iyo waayaheeda inay jiraan dad geeriyooday, iyaga oo aan adduunka waxba ka qabsan if iyo aakhiro toona.
Ka hor inta aanad ka calaacalin caruurtaada iyo dhibaatadooda, inay jiraan dad badan oo goblan ah, jelcaan lahaa inay mar uun ubad dhalaan oo ay ku indho doogsadaan.
Ka hor inta aanad karhin meesha aad degan tahay buul, jiingad ama daar oo kiro ah, in ay jiraan darbi-jiif kula dhaqan, isir, midab, diin iyo degaanba.
Ka hor inta aanad salluugin cidhiidhiga iyo gaabiska gaadiidka aad wadato ee uu kuu baxayo qaboojiye ama kulayliye ee aad dhigaysanayso hees maaweeelo ah, ama cid kuu sheekaynayso, in ay jiraan dad lugaynaya cadceed, dhaxan, siigo iyo roob kasta oo jira.
Ka hor inta aanad daalin ama ka caban nooca shaqo ee aad hayso, inay jiraan dhalinyar cilmi, caqli iyo cudud ba leh, balse nasiibku saacidi waayay inay shaqo helaan ama naafo daran qaba, rajaynayana inay shaqo helaan.
W/Q: Maxamed Xasan Muuse
Email: calaydh1989@gmail.com