Monday, December 25, 2017

Sheeko Jacayl ah


W/T: Maxamed Xasan Muuse
Maalin maalmaha ka mid ah , wiil dhalinyaro ah iyo inan gashaanti ah ayaa si kedis ah waxay ugu kulmeen meel dariiq ah. Nasiib wanaag, mid ba aragti gaaban iyo jalleeco kadib, mid ba midka kale ku qanac muuqiisa. La is bariidi, la isna baray. Waxay is dhaafsadeen kaftan iyo kalmado farxad leh, rabitaan iyo kalgacal ku dheehan tahay, balse nasiib wanaag, labadoodaba waxa daaray rabitaankii nafsiga ahaa, waa jacaylka lammaanaha e’.
Wiilku waa askari, weliba waa milateri oo lagu yaqaan difaaca xuduudaha dalka, sidoo kale wiilku waxa uu kasoo jeedaa qoys danyar ah, laakiin inanta qoyskeedu waa ladan yahay.
Wiilkii waxa uu go’aansaday kaliya inaanu xidhiidh la samayn inanta oo kaliya ee uu xidhiidhiyo waalidkeedna. Sidoo kale inantu waxay baratay wiilka reerkooda laakiin inanta reerkoodu aad ugumay faraxsanayn wiilka, mudo yar kadib waxay ay arkeen in uu wiilku yahay wiil wanaagsan oo u qalma inantooda.
Nasiibdarro se waxa timid dhibaato kale. saleebaan sida aan hore idiinku soo sheegay waa askari. Si dhakhso ahna waxa u qarxay dagaal, waxaana loo diray goobtii dagaalka muddo sannad ah.
Ka bacdi waxa uu u yimid inantii ay is jecelaayeen waxaanu waydiiyay ma I guursanaysaa? Ilmo ayaa ka timid, waxaanay tidhi” Haa”. Waxa ay ku heshiiyeen in marka uu soo noqdo in ay is mehersadaan islana aqal galaan.
Masiibo adduunka kama dhamaato e’, maalmo yar ka dib, tegitaankii saleebaan, inantii waxay gashay shil baabuur, waanay miyir doorsoontay muddo todobaad ah ayay ku jirtay. Wiig ka bacdi way soo miiraabtay. Waaba iyadii oo dhakhtar taala, hooyadeed na ka dul ooyayso, aabaheedna ka dul werwerayo. Isla markiiba waxay in wax  qaldameen. Dareentay in dhaawac kasoo gaadhay maskaxda, gaar ahaan qaybta kaantaroosha muruqa wejiga.
Wejigeedii quruxda badnaa wuu fool xumaaday. Waxay isku eegtay muraayad. Waabay oyday. Waxay tidhi “shalay waan qurux badnaa, maantana waan fool xumaaday”. Wejigeeda waxa sidoo kale ka muuqda dhaawacyo badan oo kasoo gaadhay shilkii baabuurka.
Nasra waxay go’aansatay inay fasaxdo wiilkii ay is jeclaayeen, baajisana ballantii guurka. Waxa ay isleedahay Nasra kuma rabo wiilkii aad is jeclaydeen ee ilow oo dib yaanu kuu arkin.
Sannad ka dib askarigii waxa uu soo qoray waraaqo badan, balse umay jawaabin. Wuu soo garaacay marar badan, balse kamay qaban tilifoonka. Muddo ka bacdi hooyadeed ayaa ugu timid qolkeedii, una sheegtay in uu kasoo noqday wiilkii ay is jeclaayeen oo uu dagaalkii kasoo noqday isaga oo bad qaba. Nasra intay farxad naxday oo ay qaylisay ayay tidhi “ may hooyo fadlan ha u sheegin halkan inaan joogo”.
Nasra hooyadeed waxay  ku tidhi” hadda waxa uu doonayaa in uu ku guursado”. Waxay gacanta ka gelisay casuumaddii meherka. Wadno gariirtay Nasra oo waxa ay ogaatay in uu weli jecel yahay wiilka ay hadda sii iloobayso.
Murugo weynaa!. Waxay furtay kaadhkii casuumadda. Waxaabay ku dhex aragtay magaceedii oo ku qoran. Dawakhday oo is weydiisay waa maxay waxani. Waaba uu soo galay isla wiilkii ay is jeclaayeen. Waaba isagii oo sida bushqad ubaxyo ah. Agteeda ayuu fadhiistay. Ma I guursanaysaa ayuu su’aalay? Inta ay Nasra wejiga gacanta saarta ayay tidhi “waan fool xumahay”
Saleebaan ayaa si naxariis iyo kalgacal badan ka muuqdo ugu odhanaya Nasra ogolaansho la’aantaada  ayaa ay hooyadaa iigu soo dirtay sawiradaada markii aan arkayna waxa aan xaqiiqsaday in aanay waxbadan iska kaa badalin ee aad wali tahay sidii aan isku jeclaanay waxaanad  u qurux badan tahay sidii aad u quruxda badnayd awal . maxaa yeelay anigu ma aan rabin dahrigaaga oo qudha ee waxa an jeclaa qofnimadaada waxaanan kugu qabaa kalsooni dheeraad ah daacadnimada qalbigaaga .
W/T: Maxamed Xasan Muuse
Email: calaydh1989@gmail.com

No comments:

Post a Comment