W/Q: Maxamed Xasan Muuse
Hibaaq waa inan indho la’ waxay karahsanayd nafteeda, iyadoo ku eedaynaysa ama ku maagaysa indho-beelka ilaahay SWT indha tiray. Waxay sidoo kale nacday oo ay collaysatay dhamaan dadkii ay la noolayd, ilaa wiil ay jeclayd mooye, wiilkaasoo badanaa ay ku odhan jirtay, haddaan indha heli lahaa waan is guursan lahayn. Ilaahay waa siduu doona yeelee, waxa uu u sikhiray oo qalbigiisa naxariis ugu beeray wiilkiiay jeclayd. Waxa uu u saaray labadiisii indhood, si ay u aragto adduunka oo ay uga baxdo cuqdada iyo ciilka nafsawiga ah, uguna aragto wiilkii ay jeclayd, balse nasiib darro isagu waa uu indho beelay, ilayn adduunku waa gad-gadoon e’.
wiilkii ay jeclayd, isna jeclaa oo aad ugu faraxsan helitaanka indhaha ee gabadha ayaa si kalsooni, farxad, niyadsami iyo rabitaan saayid ahi ku jiro ugu odhanaya imika waad aragtaa adduunkee, ma I guursan rabtaa?. Hibaaq waa ay yaabtay, markii ay aragtay adduunka iyo inankii ay jeclayd waagii ay indhaha la’ayd, balse haatan isagu indho la’, wax aanad filanayn iyo fallaadhiba way kugu dhacaane, Hibaaq intay kor iyo hoos u eegtay, sankana dhaqdhaqaajisay oo ay kalyaha qabtsatay waxay tidhi” mayee imika kuma guursan rabo”. Wiilkii naxdin, anfariir iyo af kalaqaad, yaab oo yidhi” ii ilaali oo ii daryeel uun indhahayga, isaga oo weli lexejeclo badan ka qaba Hibaaq”.
Dabciga bani’aadamka ayaa ah inuu is bed-bedelo, marka uu meeqaamkiisu kor u kaco, keliya tiro yar oo dad ah ayaa xasuusta waxa ay ahayd noloshu maanta ka hor, waana kuwa ugu naxariista badan dadka.
Ogsoonow
Ka hor inta aanad ku dhawaaqin hadal bilaa naxariis ah, in ay jiraan dad aan dhawaaaqiba karin oo alle hadalkaba ka xidhay.
Ka hor inta aanad ka calaacalin dhadhanka cuntada inay jiraan qaar aan waxba cunin oo aan haysan waxay cunaan
. Ka hor inta aanad ka caban saygaaga ama ooridaada inay jiraan dad badan oo guumoobay oo aan helin lammaanihii ay xaqa u lahaayeen inay nolosha la wadaagaan.
Ka hor inta aanad karhin nolosha iyo waayaheeda inay jiraan dad geeriyooday, iyaga oo aan adduunka waxba ka qabsan if iyo aakhiro toona.
Ka hor inta aanad ka calaacalin caruurtaada iyo dhibaatadooda, inay jiraan dad badan oo goblan ah, jelcaan lahaa inay mar uun ubad dhalaan oo ay ku indho doogsadaan.
Ka hor inta aanad karhin meesha aad degan tahay buul, jiingad ama daar oo kiro ah, in ay jiraan darbi-jiif kula dhaqan, isir, midab, diin iyo degaanba.
Ka hor inta aanad salluugin cidhiidhiga iyo gaabiska gaadiidka aad wadato ee uu kuu baxayo qaboojiye ama kulayliye ee aad dhigaysanayso hees maaweeelo ah, ama cid kuu sheekaynayso, in ay jiraan dad lugaynaya cadceed, dhaxan, siigo iyo roob kasta oo jira.
Ka hor inta aanad daalin ama ka caban nooca shaqo ee aad hayso, inay jiraan dhalinyar cilmi, caqli iyo cudud ba leh, balse nasiibku saacidi waayay inay shaqo helaan ama naafo daran qaba, rajaynayana inay shaqo helaan.
W/Q: Maxamed Xasan Muuse
Email: calaydh1989@gmail.com
Saturday, December 23, 2017
Abaal Daran (sheeko)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment